Dr Amiin Samakaal -Dhaqtarka Caruurta

Dr Amiin Samakaal -Dhaqtarka Caruurta KU SOO DHAWOOW QEYBTA CARUURTA ISBITAALKA SAMAKAAL (SAMAKAAL HOSPITAL).

28/05/2026

Vitaminada caruurta oo yaraada waxa ka dhalan kara?

28/05/2026

# # Calaamadaha vitamin-yada carruurta ku yaraada

Carruurta marka ay vitamin-yadu ku yaraadaan waxaa soo bixi kara calaamado kala duwan oo saameeya koritaanka, difaaca jirka, iyo firfircoonida ilmaha.

# # # Calaamadaha ugu badan:

* Daal iyo tamar yari
* Cunto xumo
* Korriin gaabis ah
* Miisaan kordhin la’aan
* Timaha oo daata ama jilca
* Maqaarka oo qalala ama finan yeesha
* Afka oo dillaaca ama carrabka oo casaada
* Ilkaha oo daciifa
* Lafaha iyo lugaha oo xanuuna
* Hurdo xumo ama xanaaq badan
* Difaaca jirka oo yaraada iyo infekshan soo noqnoqda

# # # Vitamin kasta calaamaddiisa:

# # # # Vitamin D yaraantiisa:

* Lugaha oo qallooca
* Lafaha oo jilca
* Ilmuhu socodka oo ka daaha
* Ilko soo bixid gaabis ah

# # # # Iron & Vitamin B12 yaraantiisa:

* Dhiig yari
* Wejiga oo caddaada
* Neef qabatow
* Daal badan

# # # # Vitamin A yaraantiisa:

* Aragga habeenkii oo daciifa
* Indhaha oo qalala
* Infekshan badan

# # # # Vitamin C yaraantiisa:

* Cirrid dhiig baxa
* Nabarrada oo si tartiib u bogsada
* Jir xanuun

# # # Maxaa la sameeyaa?

* Carruurta sii cunto isku dheelli tiran
* Caano, ukun, khudaar, miraha iyo kalluunka ku dar
* Qorraxda subaxii geli si Vitamin D loo helo
* Haddii calaamaduhu sii jiraan, baaritaan caafimaad samee

La tasho dhakhtar haddii ilmaha uu leeyahay:

* Miisaan dhac
* Socod daahsan
* Daal joogto ah
* Cunto diidmo muddo dheer ah

Dr jamaal abdulahahi ciro iyo. Fowsiyo cumar waxaan idin rajeynayaa guur baraka leh. Iyo owlaad baari ah
05/05/2026

Dr jamaal abdulahahi ciro iyo. Fowsiyo cumar waxaan idin rajeynayaa guur baraka leh. Iyo owlaad baari ah

29/04/2026
21/04/2026

🩺 Case Report – Bukaankeyga
Bukaan ayaa ku sugnaa deegaanka Janaale markii uu ka soo baxay nabar (wound). Inkastoo nabarkii markii dambe uu muuqaal ahaan bogsaday, haddana xaaladdiisu si lama filaan ah ayey isu beddeshay.

Muddo yar kadib, waxaa lagu arkay:

Inuusan si fiican u istaagi karin

Daciifnimo guud oo jirka ah

Inuu xitaa ceshan kari waayo qoorta (neck weakness)

Baaritaanno dheeraad ah ayaa muujiyey in uu ku dhacay caabuq bakteeriyo halis ah, kaasoo sababay soo saarista sun la mid ah Botulinum toxin.

Suntan waxay saameyn ku yeelatay nidaamka neerfaha (nervous system), taasoo keentay xaalad la mid ah cudurka Botulism—oo ah xaalad keenta:

Curyaannimo (paralysis)

Murqaha oo daciifa

Hoos u dhac ku yimaada awoodda dhaqdhaqaaqa

💉 Daryeel iyo Soo Kabasho
Nasiib wanaag, Axmed waxa uu helay:

Daryeel caafimaad oo sax ah

Daaweyn ku habboon

Kormeer joogto ah

Maanta, wuu socdaa, wuxuuna ku jiraa xaalad soo kabasho wanaagsan.

⚠️

23/03/2026

Caruurtaada maku aragtaa qufac soo laalabta. Naqaska oo kudhaga ama cabur joogta ah? Qalajiye maku cel celisay xal waaraana ma u waysay?
Mid kamid ah. Waalidinta somaliyeed oo. Umahd celinayaa dr amin samakaal

14/03/2026

**“Alxamdulillaah 🤍
Maanta hooyo ayaa ila joogta oo ii sheekaynaysa isbeddelka caafimaad ee ku yimid gabadheeda yar kadib daawadii iyo taladii aan siinay. Waxay sheegtay in gabadheedu hadda aad uga roon tahay sidii h**e, caafimaadkeeduna si wanaagsan isu beddelay.

Arrintani farxad weyn bay ii tahay, waayo marka aad aragto natiijo wanaagsan oo ilmaha ku timaada, qalbiga ayay dejisaa. Mahad oo dhan Alle ayaa iska leh marka h**e, anaguna waxaan ku dadaaleynaa inaan noqono sabab kheyr ah.

Alle ha siiyo caafimaad buuxa dhammaan carruurta. 🤲✨”**

12/03/2026

Nafaqa darada caruurta
Dr Amiin Samakaal -Dhaqtarka Caruurta

11/03/2026

Dr amiin samakaal ayaa dib ushaqa bilaabaya qamiista beri sah

16/02/2026

Hooyo iyo aabe. Caruurta la nool qalalka iyo suuxdinta ama la nool xanuunka Cp waxan u heynaa adeeg gaar ah oo aan ku baxnaanino

Address

Hodan
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Amiin Samakaal -Dhaqtarka Caruurta posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Amiin Samakaal -Dhaqtarka Caruurta:

Shortcuts

Share

Category