20/04/2024
DHAQTAR INTERNSHIP AH OO LA ADOONSADO
Xaquuqda uu leeyahay Dhaqtarka Internshipka ah:
1: Waa inuu helaa isbitaal dabooli kara Dhamaan baahiyaha Cilmi uu u baahan yahay ( Practical ) una awood u yeelin karo inu sameyo
â—Ź Surgery Rotation :
ATLS oo ah lama taabtaan iyo Minor surgery sida ( Simple hernia, Excission of lipoma,STS, Hydrocelectomy, I&D, etc ).
â—Ź OBG Rotation :
C-section iyo Vaginal delivery
â—Ź Pediateric Rotation:
La tacaali karaa Xaaladaha ugu badan ay caruurtu isbitalka u jiifan sida ( Dehydration, Pneumonia,Any type of anemia,
Malnutrition,Malaria and other infectous diseases etc)
â—ŹInternal medicine: inkasto aan soo kobi karin wa in Intern dhaqtarku La tacaali kara xaaladaha Degdaga ah Sida DKA, Hypertensive crisis,Asthma,MI, Sepsis, Etc ).
2: Waa inuu joojiyaa bixinta Lacagta fee jaamacada
3: Waa in la siiyaa
â—Ź Lacag mushaar ah bil walba ( Celcelis ahan 600$ -1500$)
â—Ź Guri ama Qol free ah oo ku taalo isbitalka ama u dhow
â—Ź Cunto Free ah
â—Ź Caafimaad free ah
Xaquuqdani waxaynu ku leenahay Dowladeena iyo jaamacadahaba ( Qodobka 2aad ), Gaar ahaan Wazaarada Caafimaadka.
NB: Dalalka Dariska nala ah Intership Doctorskoodu way helaan xaquuqdaan.
Balse Soomaaliya waa cagsi oo Dhaqtarka Intershipka ahi waa laga faaidaystaa xiligaan waayo Xaqiisa uma doodi karo oo xaninyaha ( Shahaado ) ayaa laga hayaa.
Tusaale 1aad : Aradayga marku simster one yahay waa la kalkooliyaa balse marku dhaafo simisterka 6aad Madaxa ayaa looga istaaga gaar ahan marku Intern noqdo oo Lacagta aya lagu dalaca.
Tusaale 2aad : Isbitaalada uma ogola Dhaqtarka intrshipka ahi inuu Sameyo qalimada yar yar, kaga sii darene waxa farxad wayn u ah inu assistent noqdo ama uu daawado marki laga reebo tiro yar oo intern doctors ah oo qaraabonimo isbitalka ku joogo.
NB : Isbitaalada badankodu waa kuwa gaar loo leeyahay waayo qofka isbitaalka leh waxa muhiim u ah qanaacada bukaankooda sababto ah bukanku lacag buu bixiyaa.
Tusaale 3aad: Hadi aan sua'al waydiyo Dhaqtar internship u dhamatay ama u dhamaan rabto oo aan dhaho " Maxaad soo baratay sanadkaga intershipka?""
Ardayda ugu dadaalka badan Jawabta ay badankoodu bixiyaan waa "" Waxaan so bartay History taking,examination, sida cirbad loo duro, sida kaanulo iyo catheter loo galiyo.."" Iga raali noqda 🙏
waxaana Xaquudaan u doodi kara Somali Medical Association : Ku: SMA
Waxan idinka codsanyaa inaad Waqti iyo dadaal ku bixisaan Si Dhaqtar intership ku heli lahaa xaquudiisa. Waxaa si naxariis leh idinkaga codsanayaa ugu yaraan aad hergalisaan 2 qodob oo aan isleyahay Wax waa laga qaban karaa markaan eego xaalada hada wadanku ku sugan yahy oo kala ah:
1: Joojinta in lacag laga qaado Dhaqtar intern ah
2: Inay helaan Waxbarasho u qalanta sida aan kor ku soo xusay iyo inta aad ku dari kartaan.
Mahadsanidin.
Ku Socoto Intern Doctorska somalyed: Waxan idinkula taljnayaa Qodobadan soo socda:
1: Sameysta urur idin gaar ah oo aad ku midaysantihin
2: Ku Dhiiri galiya ( Daba gala ) SMA inay Xaqiina idin soo dhiciyaan.
3: La wadaaga baahidiina Warbaahinta si ay u gaarto cida ku shaqada leh
4: La kulma kala dooda xaqiina Gadoomiyaha Midowga jaamacadaha soomaaliya.
Mahadsanidiin
Share gare oo tusi jaamacadada wax qalbigaga ka guuxaayo waa hadii aad igu raacsantahy.