01/08/2026
1 -8-2026
Saaka waxaa Cusbitaalka Guud ee Degmada Sheekh booqasho shaqo ku yimid Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Mudane Muuse Yuusuf Cismaan (Idiga), iyo Maayorka Degmada Sheekh.
Mas'uuliyiinta waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Degmada Sheekh, Hamse Mohamed dirie , oo warbixin faahfaahsan ka siiyey xaaladda guud ee cusbitaalka, adeegyada uu bulshada u hayo, horumarka la gaadhay, iyo caqabadaha jira.
Booqashadan ayaa qayb ka ah kormeerka iyo xog-ogaal u noqoshada adeegyada caafimaadka ee bulshada loo fidiyo, iyadoo mas'uuliyiintuna ay bogaadiyeen dadaalka maamulka iyo shaqaalaha cusbitaalka ee ku aaddan adeegga bulshada