Tog Wajale General Hospital

Tog Wajale General Hospital Cusbitaalka Guud ee degmada Tog Wajaale.

17/05/2026
17/05/2026

Dabaal deg iyo Daryeel| Cusbitaalka Guud ee Degmada Tog Wajaale.

Hambalyo shacbiga JSL, Munaasibada 35aad ee xuska 18 May.

Laba Qof oo ku Geeriyoodey Dab ka kacey guri ku yaala degmada Tog Wajale.Allaha u naxariisto e', Waxaa Cusbitaalka Guud ...
29/04/2026

Laba Qof oo ku Geeriyoodey Dab ka kacey guri ku yaala degmada Tog Wajale.

Allaha u naxariisto e', Waxaa Cusbitaalka Guud ee Degmada Tog Wajaale la soo gaadhsiiyay laba qof oo ku geeriyoodey guri ku yaala degmada Tog Wajaale oo dab ka kacey. Halka laba qof oo kalena ku dhaawacmeen.

Labada qof ee dhaawacaa ayaa xaaladadu wacan tahay waxaana lagula tacaalayaa Cusbitaalka degmada Tog Wajaale.

Ciidanka Dab demiska Degmada Tog Wajale ayaa ku guuleystey inay xakameeyaan dabkaasi, si aanu guryaha kale u gaadhin.

17/02/2026

Cusbitaalka Guud ee Degmada Tog Wajaale oo raashin dhameystiran u qeybiyey dhamaan shaqaale hoosaadka Cusbitaalka maadaama bisha Ramadaan inagu soo fool leedahay.

Olalaha dhiig shubista heer Qaran oo maanta si rasmiya uga bilaabmey Cusbitaalka Guud ee Degmada Tog Wajaale.Olalahan dh...
10/02/2026

Olalaha dhiig shubista heer Qaran oo maanta si rasmiya uga bilaabmey Cusbitaalka Guud ee Degmada Tog Wajaale.

Olalahan dhiig shubista waxa si weyn uga dhex muuqday Ciidanka Dabdemiska Degmada Tog Wajale oo iyagu ah kuwa mar walba u taagan Badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Jsl.




09/02/2026

DAAHFURKA OLOLAHA DHIIG-SHUBIDDA QARANKA

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si rasmi ah u daahfuraysaa Ololaha Dhiig-shubidda Qaranka, kaas oo si ballaadhan uga qabsoomi doona guud ahaan gobollada dalka. Ololahani waxa uu ujeedkiisu yahay xoojinta kaydka dhiigga, badbaadinta nolosha bukaannada u baahan, iyo kor u qaadidda wacyiga bulshada ee ku saabsan muhiimadda ku-deeqidda dhiigga.

Adeegyadan ayaa lagu diyaariyey cusbitaallo iyo xarumo caafimaad oo ku kala yaalla gobollada Somaliland, si muwaadiniintu ugu fududaato inay ka qayb qaataan hawshan samafalka ah.

Dhammaan Cusbitaallada Guud ee Gobollada:

1.Cusbitaalka Guud ee Hargeysa
2.Cusbitaalka Guud ee Boorama
3.Cusbitaalka Guud ee Burco
4.Cusbitaalka Guud ee Berbera
5.Cusbitaalka Guud ee Caynaba
6.Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo

Cusbitaallada Degmooyinka:

1.Cusbitaalka Khaliifa Burco
2.Cusbitaalka Degmada Wajaale
3.Cusbitaalka Degmada Sheekh
4.Cusbitaalka Degmada Salaxley
5.Cusbitaalka Degmada Oodweyne
6.Cusbitaalka Degmada Gebiley
7.Cusbitaalka Daryeel Hargaysa

Cusbitaallada Gaarka Loo Leeyahay (Private Hospitals):

1.Cusbitaalka Adal – Boorama
2.Cusbitaalka Daryeel
3.Cusbitaalka Dr. Caabi – Berbera
4.Cusbitaalka Siraaj – Burco
5.Cusbitaalka Gargaar 1 – Hargaysa
6.Cusbitaalka Amal Grand – Hargeysa
7.Cusbitaalka Needle – Hargeysa

Ololahani waa fursad qaran oo lagu muujinayo isku duubni, naxariis iyo mas’uuliyad bulsho. Ku-deeqidda dhiiggu waa badbaadin naf, waana tallaabo qiimo weyn u leh dadka u baahan adeegyada degdegga ah ee caafimaad.

Ka qayb qaado, dhiig ku deeq, naf badbaadi.

Allaa mahad leh
Abdishakour Faahiye
Xafiiska Warbaahin Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL.

Cusbitaalka Guud ee Degmada Tog Wajaale.Olalaha dhiig shubista.📍Waaxda Keydka dhiiga ee Cusbitaalka.
09/02/2026

Cusbitaalka Guud ee Degmada Tog Wajaale.

Olalaha dhiig shubista.

📍Waaxda Keydka dhiiga ee Cusbitaalka.

Cusbitaalka Guud ee Degmada Tog Wajaale.              Olalaha dhiig shubista.📍Waaxda Keydka dhiiga ee Cusbitaalka.
09/02/2026

Cusbitaalka Guud ee Degmada Tog Wajaale.

Olalaha dhiig shubista.

📍Waaxda Keydka dhiiga ee Cusbitaalka.

Badbaadada Hooyooyinka iyo Muhiimada keydka dhiiga.Hooyo uurey ah oo  sadkeedii buuxo ayaa iyadoo fool  saq dhexe oo hab...
06/02/2026

Badbaadada Hooyooyinka iyo Muhiimada keydka dhiiga.

Hooyo uurey ah oo sadkeedii buuxo ayaa iyadoo fool saq dhexe oo habeenimo la soo gaadhsiiyay Cusbitaalka guud ee degmada Tog Wajaale.

Markii la saarey koombituutarka uurku jirta waxa la ogaadey in ilmaha ka soo horeyso Burada hoos ka muuqata oo Cabirkeedu yahay 14 ×11 cm. Waxaa loo diyaarayay qaliin deg deg ah oo ilmaha iyo Hooyada lagu kala badbaadinayo, isla markaana Buro-daa lagaga soo saarayo. Sidoo kalena waxaa loo diyaariyay dhiig ku filan.

Waxaana laga soo saarey ilmo miisaankiisu yahay 3.9 kg iyo Buro cabirkeedu yahay 14×11 Cm.

Maalintii afraad Hooyadii iyo ilmaheediiba waxay gurigoodii ku noqdeen iyagoo badqaba.

Arintan ayaa muujinaysa muhiimada balaadhan ee keydka dhiigu u leeyahay badbaadinta hooyooyinka iyo guud ahaan xaaladaha deg deg ah, Iyadoo ay adkaan laheyd in xaalada deg dega aheyd xal loo helo.

Teamka Qaliinka

Dhakhtarka qaliinka. : Dr. Teshome Abegaz( MD, Obs/Gyne)
Kaaliye qaliin. : Zakariye Abdi Daheeye
Suuxiye. : Axmed Xuseen Sh. Xasan
Kaaliye waaxda Qaliinka : Nimcaan Abdi Warsame.

oo ku deeq dhiig.


Wasiirka wasaarada horumarinta Caafimaadka jamhuuriyada Somaliland iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa kormeer ku yimi Cusbita...
13/12/2025

Wasiirka wasaarada horumarinta Caafimaadka jamhuuriyada Somaliland iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa kormeer ku yimi Cusbitaalka guud ee degmada Tog Wajaale.

Wefdiga wasiirka waxa soo dhaweeyey agaasimaha cusbitaalka guud ee degmada Tog Wajaale, Xoghayaha dowlada hoose, odayaasha iyo Culimada Tog Wajale.

08/12/2025

OVERVIEW| Tog Wajale Hospital



Cisbitaalka Wajaale

Address

BAARCAD
Togwajaale

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tog Wajale General Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Tog Wajale General Hospital:

Share