Wajid District Hospital

Directions

Wajid District Hospital Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wajid District Hospital, Hospital, Wajid.

MAAMULKA DEGMADA WAAJID AYAA KULAN QADO-SHARAF AH U QABTEY DHAKHAATIIRTII FULISEY ADEEGGA INDHO-FIIQISTA AH EE DEGMADA.K...
03/07/2026

MAAMULKA DEGMADA WAAJID AYAA KULAN QADO-SHARAF AH U QABTEY DHAKHAATIIRTII FULISEY ADEEGGA INDHO-FIIQISTA AH EE DEGMADA.

Kulankan oo lagu qabtay hoolka shirarka ee degmada ayaa ahaa mid lagu maamuusay dhakhaatiirta iyo dhammaan bah-wadaagtii ka qeyb qaatay hirgelinta adeegga indho-fiiqista, kaas oo ay ka faa’iideysteen in ka badan 600 bukaan oo la daalaa dhacayay dhibaatooyin dhanka aragga ah.

​Guddoomiyaha Degmada Waajid Mudane Hassan Abdi Isack Botale ayaa si weyn ugu mahadceliyey dhakhaatiirta ka socotay Barey Mayaquus Foundation, Save the Vision, dhakhaatiirta ka timid Muqdisho, iyo kuwa deegaanka oo iskaashigooda iyo dadaalkooda suurtageliyey hirgelinta adeeggan muhiimka ah.

​Sidoo kale, Maamulka Isbitaalka Degmada Waajid, oo uu ugu horreeyo Agaasimaha Isbitaalka Mudane Abdinasir Hassan Hareri , ayaa mahadcelin ballaaran u jeediyey dhakhaatiirtii iyo kalkaaliyayaashii naftooda u huray ka qeyb-qaadashada ololahan (Campaign) intii uu socday. Agaasimaha ayaa xusay in dadaalka dhakhaatiirtu uu isbeddel weyn ku sameeyey nolosha boqolaal qoys oo reer Waajid ah, isagoo ammaanay sida hufan ee ay ugu adeegeen bulshada.

​Maamulka degmada wuxuu sidoo kale mahadnaq weyn u jeedinayaa Wasiir Abdulkadir Mohamed Nur iyo dhammaan cid kasta oo door ka qaadatay hirgelinta howlahan samafalka ah ee bulshada wax weyn u taray.

​Ugu dambeyntii, Maamulka Degmada Waajid iyo kan Isbitaalka waxay mar kale xaqiijinayaan inay garab taagan yihiin dadaal kasta oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka iyo daryeelka guud ee bulshada degmada.






ISBITAALKA DEGMADA WAAJID 30/06/2026:- ​Olole Caafimaad oo Indha-Fiiqis iyo Baaritaano Bilaash Ah oo Loo Sameeyey Boqola...
30/06/2026

ISBITAALKA DEGMADA WAAJID 30/06/2026:-

​Olole Caafimaad oo Indha-Fiiqis iyo Baaritaano Bilaash Ah oo Loo Sameeyey Boqolaal Qof oo Ka kala imaadey Degmada waajid iyo deedaanada kuhareereysan. .

​ Isbitaalka Degmada Waajid ayaa lagu soo bandhigay bukaanada baahiyaha gaarka ah qaba ee loo sameeyey gargaarka iyo adeegga indha-fiiqista ah.

​Munaasabadda lagu soo bandhigayey guusha olalahan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Maamulka Degmada Waajid, madaxda isbitaalka, dhakhaatiir, iyo mas'uuliyiin kale oo heer deegaan ah.

​Olalahan ballaaran ee indha-fiiqista iyo daawaynta indhaha waxaa ka faaidaystay boqolaal shacab ah oo isugu jiray daryeel-doon ka kala yimid gudaha degmada Waajid iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Adeegyada la bixiyey xilliga uu ololuhu socday waxaa kamid ahaa:
1. ​Baaritaano lacag la'aan ah (Bilaash).
2. ​Qalliimo indhaha loogu soo celinayo aragga.
3. ​Wacyigelin caafimaad iyo qaybinta dawooyin.

​Hay'adaha Iska Kaashaday Ololaha ​Barnaamijkan gargaarka ah ee bulshada wax weyn ka tari doona waxaa iska kaashaday Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed iyo hay'ado dhowr ah oo kala ah:
1. Barey & Mayaquud Foundation (BMF)
2. ​Save the Vision

​Agaasimaha Isbitaalka Degmada Waajid, Mudane Abdinasir Hassan Hareri, oo madasha ka hadlay ayaa si weyn u boggaadiyey shaqadaan baaxadda leh oo ay qabteen dhaqaatiirta aqoonta u leh ee hawshan fulisay iyo dhammaan shaqaalaha Isbitaalka Degmada Waajid, kuwaas oo si hagar la'aan ah oo hufan ugu adeegaayey bulshada intuu ololahan caafimaad socdey."

​Ololahan ayaa kusoo aaday xilli ay baahi weyn u qabaan bulshada ku nool degmada Waajid iyo nawaaxigeeda adeegyada caafimaad ee gaarka ah, gaar ahaan kuwa la xiriira daryeelka indhaha.


#2026年





ISBITAALKA DEGMADA WAAJID 22/6/2026:-Waxaa maanta booqasho iyo kormeer shaqo noogu yimid maamulka degmada, oo uu ugu hor...
22/06/2026

ISBITAALKA DEGMADA WAAJID 22/6/2026:-

Waxaa maanta booqasho iyo kormeer shaqo noogu yimid maamulka degmada, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Mudane Hassan Abdi Isack Botale .

Intii ay booqashadu socotay, Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa kulan muhiim ah la qaatay maamulka isbitaalka, oo uu ugu horreeyo Agaasimaha Isbitaalka Degmada Waajid, Mudane Abdinasir Hassan Hareri Kulankan ayaa looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada caafimaad ee isbitaalku u hayo bulshada.

Wafdiga ayaa sidoo kale kormeeray qeybaha kala duwan ee isbitaalka si ay u ogaadaan:

Xaaladda Bukaannada: Guddoomiyaha ayaa si dhow u xog-wareystay bukaannada isbitaalka u jiifa daryeelka caafimaad.

Adeegyada Isbitaalka: Waxay u kuur-galeen tayada iyo guud ahaan adeegyada caafimaad ee isbitaalku u fariyo bulshada degmada Waajid.

Guddoomiyaha ayaa si weyn u bogaadiyey shaqaalaha caafimaadka ee har iyo habeen u taagan in ay bulshadooda u shaqeeyaan, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan adeegga hufan ee ay u hayaan dadka deegaanka.






#2026年

CIID MUBAARAK 🐐 Dhammaan Maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka Degmada Waajid waxay munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxa ...
26/05/2026

CIID MUBAARAK 🐐

Dhammaan Maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka Degmada Waajid waxay munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxa awgeed hambalyo udirayaan dhammaan umadda Islaamka meelkasto ay joogaan.
Waxaan Eebbe ka baryeynaa inuu naga aqbalo acmaasha wanaagsan, sanadkan sanadkiisana nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo.

عيد مبارك تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال.




HAMBALYO IYO MAAMUUS: XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE UMULISOOYINKA.​Isbitaalka Degmada Waajid wuxuu maanta si gaar ah u ...
06/05/2026

HAMBALYO IYO MAAMUUS:
XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE UMULISOOYINKA.

​Isbitaalka Degmada Waajid wuxuu maanta si gaar ah u xusayaa una maamuusayaa dedaalkii iyo shaqadii hufnayd ee ay umulisooyin keennu ay qabteen, annagoo ka dabbaal-degayna Maalinta Caalamiga ah ee Umulisooyinka (International Day of the Midwife).

Isbitaalka Degmada Waajid waxaan mudnaanta koowaad siiyey sidii loo heli lahaa adeeg umuliso oo dhammaystiran, si hooyo kasta ay u dhasho iyadoo ammaan ah, ilmaha cusubna uu u helo daryeel caafimaad oo tayo leh.

Waxaan ku hanweynahay in Isbitaalka Degmada Waajid uu sii wado dadaalka lagu horumarinayo adeegga umulisooyinka si aan u xaqiijino caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee gobolka Bakool.

​




Address

Wajid
4

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wajid District Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category