Tawheed Islamic Centre

Directions

Tawheed Islamic Centre This page is used to share our lectures, Classes and teachings so as to reach a wider audience.

Xafladda Caleemo-saarka Guddoomiyaha Madasha Madaarista Uganda ๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ฌWaxaa si heer sare ah loo qabtay Xafladda Caleemo-saark...
08/08/2026

Xafladda Caleemo-saarka Guddoomiyaha Madasha Madaarista Uganda ๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ฌ

Waxaa si heer sare ah loo qabtay Xafladda Caleemo-saarka Guddoomiyaha Madasha Madaarista Uganda, munaasabad ay soo qabanqaabisay Markaz Tawheed Islamic Centre.

Xafladdu waxay ahayd munaasabad qiimo badan oo lagu muujiyey muhiimadda ay leedahay midnimada, wada-shaqaynta iyo horumarinta madaarista iyo waxbarashada diinta Islaamka ee Uganda.

Waxaan Alle SWT uga baryeynaa Guddoomiyaha xilka loo igmaday inuu u fududeeyo, kana dhigo mid ku hoggaamiya madasha caddaalad, daacadnimo, xikmad iyo horumar, isla markaana xilkan cusub uu noqdo mid kheyr badan u horseeda madaarista, macallimiinta iyo ardayda Muslimiinta ah ee Uganda.

ุจุงุฑูƒ ุงู„ู„ู‡ ููŠ ุงู„ุฌู‡ูˆุฏ ูˆูˆูู‚ ุงู„ุฌู…ูŠุน ู„ู…ุง ูŠุญุจ ูˆูŠุฑุถู‰

Hambalyo Guddoomiyaha cusub, waxaana leenahay Alle ha kuu fududeeyo masuuliyadda laguu igmaday, hana kaa dhigo mid ummadda iyo diinta anfaca. ๐Ÿคฒ๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ฌ

Markaz Tawheed Islamic Centre โ€“ Kampala, Uganda

WARBIXINTA SAFARKA DACWADA EE GULU CITY โ€“ UGANDA ๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ฌMarkaz Tawheed Islamic Centre โ€“ Kampala, UgandaAlxamdulillaah, waxaa ...
07/08/2026

WARBIXINTA SAFARKA DACWADA EE GULU CITY โ€“ UGANDA ๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ฌ

Markaz Tawheed Islamic Centre โ€“ Kampala, Uganda

Alxamdulillaah, waxaa si nabad ah oo guul leh kusoo dhammaaday safar dacwadeed oo socday muddo laba maalmood ah, kaas oo culimo ka socotay Markaz Tawheed Islamic Centre ay ku tageen Gulu City, Uganda.

Ujeeddada safarkan ayaa ahayd fidinta dacwada Islaamka, wacyigelinta bulshada Muslimiinta ah iyo gaarsiinta dadka duruus iyo muxaadarooyin diini ah oo ku baxaya luuqado kala duwan.

Culimadii iyo xubnihii safarka

Safarka waxaa hoggaaminayay Sheikh Maxamed Sheikh Cabdiwali, waxaana ku weheliyay:

1. Sheikh Maxamed Sheikh Cabdiwali โ€“ Hoggaamiyaha Safarka
2. Dr. Abdirahmaan
3. Sheikh Sahal Barre Ciid
4. Dr. Maxamed Ahmed Ziyaad
5. Sheikh Maxamed Xermagalo
6. Sheikh Abdulsamad Qoryooley
7. Sheikh Abdullahi Adam
8. Sheikh Abdulaziz
9. Zakaria โ€“ Cameraman / Media

1. Booqashada Masjid Jamia

Intii safarku socday, culimadu waxay booqdeen Masjid Jamia, halkaas oo lagu qabtay muxaadarooyin iyo wacyigelin diini ah.

Muxaadarooyinka waxaa jeediyay:

Sheikh Maxamed Sheikh Cabdiwali iyo Sheikh Abdulaziz.

Si fariinta dacwadu u gaarto qaybaha kala duwan ee bulshada Gulu City, muxaadarooyinka waxaa lagu gudbiyay luuqadaha Luganda, Kiswahili iyo English, taas oo fududeysay in dad kala duwan ay ka faaโ€™iideystaan.

2. Booqashada Masjid Noor

Sidoo kale, wafdigu wuxuu booqday Masjid Noor, oo ay si weyn u isticmaalaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gulu City.

Waxaa halkaas muxaadarooyin iyo dardaaran diini ah ka jeediyay:

Sheikh Maxamed Sheikh Cabdiwali ,Sheikh Sahal Barre Ciid, Dr. Abdirahmaan iyo Sheikh Maxamed Xermagalo.

Culimadu waxay bulshada la wadaageen waano iyo wacyigelin diini ah, iyagoo ku boorriyay ku-dhaqanka diinta, xoojinta walaaltinimada iyo isku xirnaanta bulshada Muslimiinta.

Gabagabada Safarka

Alxamdulillaah, caawa ayuu si nabad ah oo wanaagsan kusoo dhammaaday safarkii dacwada ee labada maalmood ahaa ee Gulu City โ€“ Uganda.

Alle SWT waxaan ka baryaynaa inuu ajar iyo xasanaad ka siiyo dhammaan dadkii ka qayb qaatay safarkan, kana dhigo dadaalkan mid lagu faafiyo kheyrka iyo dacwada Islaamka.

ูˆูŽุงู„ู’ุญูŽู…ู’ุฏู ู„ูู„ูŽู‘ู‡ู ุฑูŽุจูู‘ ุงู„ู’ุนูŽุงู„ูŽู…ููŠู†ูŽ

Media Department
Markaz Tawheed Islamic Centre
๐Ÿ“ Kampala โ€“ Uganda ๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ฌ

07/08/2026
An Evening of Knowledge with Sheikh Muhammed Abduweli
07/08/2026

An Evening of Knowledge with Sheikh Muhammed Abduweli

21/07/2026
21/07/2026

Guusha Dhabta Ah Waxay Ka Bilaabataa Talo Saarashada Alle

08/07/2026

Maxaa Sababa Burburka Dowladaha?

08/07/2026

MUXAADARO CUSUB || MAXAA SABABA BURBURKA DOWLADAHA ? MAXAYSE UMADDA...

05/07/2026

Ilaahay Qoom Ma Baabiโ€™iyo Inta Ay Ku Jiraan Dad Wax Hagaajiya

Address

Https://maps. App. Goo. Gl/aWnPMCcTRLVhbN837?g_st=iwb
Kampala

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tawheed Islamic Centre posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share