01/15/2021
Lix Qodob Kugu Dooran Mayno Ayaa Tolkii U Sheegeen Wuuse Qanci La'yahay.
(Nimaan Quusanna' Isagaa Quusa)
Wuu Samri la'yehee Tolkii Hadal Cad Waxay u Sheegeen in Anay Diyaar u Ahayn inay doortaan, waxayna u Sheegeen Lix qodob.
Afhayeenka Madaxwaynaha Somaliland Maxamud Warsame Jama
Ayaa Maalin Isugu Yeedhay Dhamaan Guddiyada Kala Duwan ee Waayeelka, Waxgaradka, Dhalinyarada, Aqoonyahanka, Culimada, Ganacsadayaasha, Shaqaalaha, haweenka, Beesha uu kasoo jeedo, Wuxuuna u Sheegay Inu Sharaxan Yahay Ayna Doortaan, Waxayna u Sheegeen Inay Ka Tashanayaan Saddex Cisho Ka Bacdi uu Kusoo Noqdo.
Hadeel Dheer Iyo Talo Qiimo leh Dabadeed Maalinti La Balansanaa Waxaa Loo Sheegay Lix Qodob ee Soo Socda:-
1- Afhayeen Haddaanu Nahay Beeshaadi Waxaanu Ku Dooranay Shalay Xaqna Maaha in Mar Labaad Lagu Doorto, Duca Qabe Musharaxnimadu Waa Meerto.
2-Haddaanu Nahay Beesha Aad Kasoo Jeedo Sidaanu u Dhan Nahay Waxaanu Nahay Waddani, K**a Bixi Karno Qodobadii Lagu Heshiiyay Shirkii Daalo Ee Beesha Habar Yonis iyo Kii Gacan Libaax ee beesha Garxajis,Kulmiyana Boos Uma Hayno.
Fiqina Tolkii K**a Jano Galo.
3-K**aad Bixin Secondary School, sidoo kale kamaad Bixin Jaamacad, Wax Xirfadana Ma Lihid, Sido Kale Da'dii Barlamaanka Maad Gaadhin.
4-Maanta Gobolka Sanaag Iyo Gobolada Kale Ee Barriga Dulmiga Ay Ku Jiraan Waxaa Kala Dabaalan Kara Oo Keli ah Xildhibaan Kaso Baxa Xisbi Mucaarad,
Loomana Baahna Xisbigii Laga Soo Reebi Lahaa Dalka In Isaga Cod Loogu Sii Daro.
5-Beesha Aad Kasoo Jeeda Waxay Shalay toole si Hufan oo Hagar La'aan ah Kuu Gaysay Xisbiga Waddani Iyo Golaha Deegaanka Ceerigaabo Codkii Labaad Ee Gobolka Sanaag ugu Badnaa ayaa Lagu Siiyay Waxaad Kaga Tagtay Meel Cidlaa,Waxaadna ku Biirtay Xisbiga Kulmiye, Berina Damaanad ka Noqon Mayno Inaad Ka Carrarto XilKanaad u Sharaxan Tahay.
6-Haddaanu Nahay Beesha aad Kasoo Jeedo Jilibka Hoose Ee Aad Ka Tahay Waxaa Laydin Doortay Afar Jeer:-
1-Axmed Xasan (Mr-Dinad) Oo ahaa Baarlamankii U H**eeyey
2-Ibrahim Dhaadhere (A.H.UN)Baarlamaankii Labaad
3-Siciid Mire Jama Gole Degaan
4-iyo Adiga Oo Ah Maxamud Warsame jama(Gole Degan)
Maantana Rag Kale oo Tolkaa ah Ayaa Han Siyaasadeed Leh ooTaagan, Qaarkoodna H**e Kugu Tanaasuleen ee Xishood.
Lkn Waxaan Kugula Talin Lahayn Shaqada Aad Joogto Dabada Ku Adkayso Maandhooooow.
Wuxuuna Balan Qaaday Inu Tolka Kala Goyn doono Haddaan Tiisa Lo Yeelin.
Wax Hadal ah Looguma Jawaabin.
lkn Nin Ragga Ka Mid Ah oo Ay Kaftamaan Ayaa U Sheegay In Dhakhtar Caafimaad La Gayn.