09/10/2025
Xuska maalinta caafimaadka Maanka.
Waxaan maanta ku qabanay magaalada Ceerigaabo xuska maalinta caafimaadka Maanka oo sanad walba maalinkan oo kale la xuso, xafladaas oo ay nagala soo qayb galeen Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda Mohamoud Saed Adaad oo Safar Shaqo u Jooga gobolka Sanaag ee magalada Ceerigabo, oo ay ku weheliyaan Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta Machadka ee Maamulka iyo Maaliyada iyo Agaasime Waaxda Qorshayta iyo istatikiska, madaxwaynaha Jaamacada Beder University, garyaqaan Mubarak Aar, saxafi Xassan Gallaydh, xildhibaano golaha degaanka ah, masuuliyinta Wasaarada Horumarinta Caafimaadka heer gobol, culimada magaalada, xoghayaha Gobolka, dhalinyarada iyo aqoonyahanka gobolka Sanaag oo ay ugu horeeyan Sanag Sisters ururrada adeegayaasha arimaha bulshada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madashan oo aad loogu dheeraday halku dhega sanadka ee “qof kasta waa inuu helaa adeegyada Caafimaadka Maanka.” Xoogana lagu saaray sidii adeegyada caafimaadka Maanka kor loogu qaadi lahaa.