29/12/2025
Waxaa si guul leh u qabsoomay Barnaamij Tababar ah oo cinwaankiisu ahaa “First Aid and Emergency Care for Cabin Crew” kaas oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Home of Health Services, SIMAD university health students association iyo Civil aviation students association.
Barnaamijkan ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha ka qaybgalayaasha ee la xiriira daryeelka degdegga ah iyo u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee dhulka iyo hawada.
Seminarka ayaa socday muddo sedex maalmood ah, waxaana lagu bixiyay casharro iyo tababaro xirfadeed oo wax ku ool ah. Ka qaybgalayaasha ayaa helay shahaadooyin rasmi ah, taas oo muujinaysa dhammaystirka tababarka iyo ka faa’iideysiga aqoonta la bixiyay inta uu socday barnaamijku.
Waxaa si rasmi ah barnaamijka usoo xiray Guddoomiyaha Home of Health service ahna Madaxweynaha Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi., Mudane Omar Abdullahi Abdi, kaas oo khudbad dhiirrigelin, mahadnaq iyo bogaadin ah u jeediyay qabanqaabiyeyaasha, tababarayaasha, iyo dhammaan ka qaybgalayaasha. Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay in ardayda iyo dhalinyaradu helaan tababaro noocan oo kale ah oo wax ku ool ah, kuwaas oo kor u qaadaya badbaadada bulshada.
Wbtfq👏👏👏