14/10/2026
𝐁𝐀𝐀𝐐 𝐖𝐀𝐂𝐘𝐈𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍 𝐀𝐇 𝐁𝐀𝐃𝐁𝐀𝐀𝐃𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐁𝐄𝐄𝐑𝐀𝐇𝐀, 𝐃𝐀𝐀𝐐𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐃𝐄𝐄𝐆𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀
Geedka Biri-Sobiska iyo khatarta uu ku hayo deegaanka!
Geedka Biri-Sobiska marka uu si xad-dhaaf ah u faafo wuxuu khatar ku noqon karaa beeraha, dhulka daaqa iyo dhirta dabiiciga ah.
Fiditaankiisu wuxuu saameyn ku yeelan karaa nolosha beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed, gaar ahaan helitaanka daaqa ay geelu iyo xoolaha kale ku tiirsan yihiin.
𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐛𝐨𝐨𝐧 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚?
✅ In la xakameeyo fiditaanka geedka.
✅ In la ilaaliyo beeraha iyo dhulka daaqa.
✅ In la kobciyo dhirta deegaanka ee waxtarka leh.
✅ In bulshada laga wacyigeliyo ilaalinta deegaanka.
✅ In la xoojiyo wada-shaqeynta dowladda, hay'adaha deegaanka, beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada.
𝐅𝐀𝐑𝐈𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐊𝐀𝐀𝐋𝐌𝐄𝐄𝐘𝐄 𝐀𝐒𝐒𝐎𝐂𝐈𝐀𝐓𝐈𝐎𝐍
Waxay bulshada Soomaaliyeed ku boorrinaysaa inay ka qayb qaataan ilaalinta deegaanka, badbaadinta beeraha iyo dhowrista dhulka daaqa.
Waxaan ku baaqaynaa in la xoojiyo wacyigelinta bulshada, cilmi-baarista geedka Biri-Sobiska iyo hirgelinta tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xakameynayo fiditaankiisa.
𝐁𝐀𝐀𝐐 𝐅𝐈𝐂𝐈𝐋 𝐀𝐇: Bulshada, dhalinyarada, beeraleyda, xoolo-dhaqatada iyo hay'adaha ay khusayso aan mideyno dadaalkeenna, ka warbixinno meelaha geedkani ku faafo, kana shaqeyno xal waara oo lagu ilaalinayo deegaanka Soomaaliya.
Deegaanku waa nolosheenna, ilaalintiisuna waa masuuliyaddeenna wadajirka ah!
𝐊𝐀𝐀𝐋𝐌𝐄𝐄𝐘𝐄 𝐀𝐒𝐒𝐎𝐂𝐈𝐀𝐓𝐈𝐎𝐍
.