29/09/2024
🌍❤️ 𝐖𝐨𝐫𝐥𝐝 𝐇𝐞𝐚𝐫𝐭 𝐃𝐚𝐲 ❤️🌍
𝙎𝙚𝙥 29, 2024
🫀 𝑯𝒐𝒓𝒕𝒂𝒈𝒈𝒂 𝑿𝒂𝒏𝒖𝒖𝒏𝒏𝒂𝒅𝒂 𝑿𝒊𝒅𝒊𝒅𝒅𝒂𝒅𝒂 𝑾𝒂𝒅𝒏𝒂𝒉𝒂 (𝑪𝒂𝒓𝒅𝒊𝒐𝒗𝒂𝒔𝒄𝒖𝒍𝒂𝒓 𝑫𝒊𝒔𝒆𝒂𝒔𝒆 𝑷𝒓𝒆𝒗𝒆𝒏𝒕𝒊𝒐𝒏)🫀
Xanuunnada xididdada wadnaha waa kuwa ugu badan ee keena khatarta caafimaadka guud, sababtoo ah waxay si toos ah u saameeyaan qaabka dhiiggu ugu qulqulo jirka. Xanuunnada noocan ah waxay keeni karaan (Heart Attack) oo ah in uu istaag ku yimaado mid ka mid ah halbowlayaasha sameeya qulqulka dhiiga, istaroogga (Stroke), iyo xannuunada kale ee wadnaha. Si kastaba ha ahaatee, xanuunnadan intooda badan waa la iska ilaalin karaa ama waa laga hportagi karaa iyadoo la qaato tallaabooyin caafimaad oo joogto ah. Halkan ka aqriso talooyin muhiim ah oo ku saabsan sida loo xakameeyo khataraha cudurradan:
1. 𝗺𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗖𝗮𝗱𝗮𝗮𝗱𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗗𝗵𝗶𝗶𝗴𝗴𝗮 (𝗠𝗮𝗻𝗮𝗴𝗶𝗻𝗴 𝗕𝗹𝗼𝗼𝗱 𝗣𝗿𝗲𝘀𝘀𝘂𝗿𝗲)
🩸 𝘚𝑎𝘣𝑎𝘣𝑡𝘢 𝘈𝑦 𝑀𝘶ℎ𝘪𝑖𝘮 𝘜 𝘛𝑎𝘩𝑎𝘺: Cadaadiska dhiigga oo sareeya waa mid ka mid ah sababaha ugu badan ee keena cudurrada xididdada wadnaha. Waxay dhaawacdaa gidaarada xididdada dhiigga, taasoo horseedda dillaac iyo sidoo kale is badal la xiriira dhumucsiinta xididdada.
𝗧𝗮𝗹𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻 𝗞𝗮𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴
❌ Iska ilaali cunista milixda badan
🏃♂️ Samee jimicsi joogto ah.
⚖️ Hoos u dhig miisaankaaga haddii uu sareeyo.
🚭 Ka fogow cabista aalkolada iyo sigaarka.
💉 Hubi in cadaadiska dhiiggaaga uu ku jiro heerka caadiga ah (120/80 mmHg).
2. 𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗼𝗱𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘅𝗮𝗸𝗮𝗺𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗛𝗲𝗲𝗿𝗸𝗮 𝗖𝗵𝗼𝗹𝗲𝘀𝘁𝗲𝗿𝗼𝗹-𝗸𝗮 (𝗖𝗼𝗻𝘁𝗿𝗼𝗹𝗹𝗶𝗻𝗴 𝗖𝗵𝗼𝗹𝗲𝘀𝘁𝗲𝗿𝗼𝗹 𝗟𝗲𝘃𝗲𝗹𝘀)
🧬 𝘚𝑎𝘣𝑎𝘣𝑡𝘢 𝘈𝑦 𝑀𝘶ℎ𝘪𝑖𝘮 𝘜 𝘛𝑎𝘩𝑎𝘺: Kolestaroolka sareeya wuxuu horseedaa ururinta dufanka ee xididdada dhiigga, taasoo yareyn karta socodka dhiigga oo keeni karta dillaac iyo dhiig-joojin wadnaha ah.
𝗧𝗮𝗹𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻 𝗞𝗮𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴
🥑 Cun cuntooyin hodan ku ah dufanka caafimaadka leh sida avocado, lawska, iyo kalluunka Omega-3 (sida salmon-ka).
🍟 Ka fogow cunista cuntooyinka la shiilay
🍎 Qaado miraha iyo khudaarta oo caawinaya yareynta LDL (kolestaroolka xun).
📈 Hubi in heerka LDL kolestaroolkaagu uu hooseeyo halka HDL-kaagu (kolestaroolka wanaagsan) uu sareeyo.
𝟯. 𝗞𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗦𝗼𝗻𝗸𝗼𝗿𝗼𝘄𝗴𝗮 (𝗣𝗿𝗲𝘃𝗲𝗻𝘁𝗶𝗻𝗴 𝗗𝗶𝗮𝗯𝗲𝘁𝗲𝘀)
🍬 𝘚𝑎𝘣𝑎𝘣𝑡𝘢 𝘈𝑦 𝑀𝘶ℎ𝘪𝑖𝘮 𝘜 𝘛𝑎𝘩𝑎𝘺: Sonkorowgu wuxuu dhaawacaa xididdada dhiigga wuxuuna kordhiyaa khatarta xannuunada wadnaha. Dadka qaba sonkorowga waxaa ku badan khatarta wadne xanuunka iyo istaroogga.
𝐓𝐚𝐥𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐊𝐚𝐡𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠
🥦 Cun cunto caafimaad leh oo dheelli tiran sida kuwa aan la warshadayn iyo khudaarta.
⚖️ Maamul miisaankaaga—hoos u dhig haddii uu sareeyo.
💉 Ku dadaal in heerka sonkorta dhiiggaagu uu caadi ahaado.
🏃♀️ Samee jimicsi joogto ah si loo yareeyo khatarta sonkorowga.
𝟰. 𝗝𝗼𝗼𝗷𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗦𝗶𝗴𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗞𝗮 𝗙𝗼𝗴𝗮𝗮𝗻𝘀𝗵𝗮𝗵𝗮 𝗤𝗶𝗶𝗾𝗮 𝗗𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗞𝗮𝗹𝗲 (𝗤𝘂𝗶𝘁 𝗦𝗺𝗼𝗸𝗶𝗻𝗴 𝗮𝗻𝗱 𝗔𝘃𝗼𝗶𝗱 𝗦𝗲𝗰𝗼𝗻𝗱𝗵𝗮𝗻𝗱 𝗦𝗺𝗼𝗸𝗲)
🚭 𝘚𝑎𝘣𝑎𝘣𝑡𝘢 𝘈𝑦 𝑀𝘶ℎ𝘪𝑖𝘮 𝘜 𝘛𝑎𝘩𝑎𝘺: Sigaarku wuxuu dhaawacaa gidaarada xididdada dhiigga, taasoo horseedi karta ciriiri ama dillaac. Isla markaana, qiiqa dadka kale (secondhand smoke) wuxuu keenayaa isla dhibaatooyinkaas iyo kuwa kasii halis badan.
𝐓𝐚𝐥𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐊𝐚𝐡𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠a
🚭 Jooji Sigaarka: Haddii aad tahay qof cabba sigaarka, waxaad u baahantahay inaad si joogto ah ula socoto xaaladada sanbabadada iyo xididadada iyo caafimaadkaga guud
🛑 Ka Fogow Qiiqa Dadka Kale: Ha u dhawaan dadka cabbaya sigaarka ama meelaha sigaarka lagu cabo.
✅ Haddii aad joojiso sigaarka, halista wadne xanuunkaaga hoos ayay u dhacaysaa si dhakhso ah.
𝟓. 𝐣𝐨𝐨𝐠𝐭𝐞𝐞 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐪𝐚 𝐉𝐢𝐫𝐤𝐚 (𝐑𝐞𝐠𝐮𝐥𝐚𝐫 𝐏𝐡𝐲𝐬𝐢𝐜𝐚𝐥 𝐀𝐜𝐭𝐢𝐯𝐢𝐭𝐲)
💪 𝑆𝘢𝑏𝘢𝑏𝘵𝑎 𝐴𝘺 𝘔𝑢𝘩𝑖𝘪𝑚 𝑈 𝑇𝘢ℎ𝘢𝑦: Dhaqdhaqaaqa jirka wuxuu caawiyaa yareynta miisaanka, cadaadiska dhiigga, iyo hagaajinta wareegga dhiigga.
𝗧𝗮𝗹𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮𝗮𝗻 𝘁𝗶𝘅𝗴𝗮𝗹𝗶!
🏋🏽♂️ Samee ugu yaraan 30 daqiiqo oo jimicsi ah maalintii, 5 maalmood usbuucii.
🚶♂️ Jimicsiga fudud sida socodka, orodka, iyo baaskiilka ayaa kaa caawin kara caafimaadka wadnaha.
⏳ Haddii aadan heli karin waqti badan, xitaa hawlaha maalinlaha ah sida fuulitaanka jaranjarooyinka ayaa faa'iido leh.
𝟲. 𝗠𝗮𝗮𝗿𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗖𝘂𝗹𝗲𝘆𝘀𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗶𝗶𝘀𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗟𝗲𝗵 (𝗠𝗮𝗶𝗻𝘁𝗮𝗶𝗻 𝗮 𝗛𝗲𝗮𝗹𝘁𝗵𝘆 𝗪𝗲𝗶𝗴𝗵𝘁)
⚖️ 𝑆𝘢𝑏𝘢𝑏𝘵𝑎 𝐴𝘺 𝘔𝑢𝘩𝑖𝘪𝑚 𝑈 𝑇𝘢ℎ𝘢𝑦: Cayilka iyo miisaanka sare wuxuu kordhiyaa khatarta cadaadiska dhiigga, kolestaroolka sare, iyo sonkorowga, kuwaasoo ah sababa ugu weyn ee xannuunada wadnaha.
𝐓𝐚𝐥𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐊𝐚𝐡𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠
🍽️ Isticmaal cuntooyin kalooriyadoodu hooseyso iyo kuwa nafaqo leh.
🏋️♀️ Samee jimicsi si aad u yareyso dufanka jirka.
📉 Dejiso yoolal yaryar oo miisaan lumis ah si tartiib-tartiib ah.
𝟳. 𝗞𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗪𝗮𝗹𝗯𝗮𝗵𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 (𝗠𝗮𝗻𝗮𝗴𝗶𝗻𝗴 𝗦𝘁𝗿𝗲𝘀𝘀 𝗘𝗳𝗳𝗲𝗰𝘁𝗶𝘃𝗲𝗹𝘆)
😌 Walbahaarka joogtada ah wuxuu kordhiyaa cadaadiska dhiigga iyo dhibaatooyin kale oo wadnaha ah.
𝐓𝐚𝐥𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐚 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦
🧘♀️ samee farsamooyinka kaa ilaalin kara stresska sida aqriska Qur'aanka iyo Digriga Allah.
🚶♂️ Iska ilaali xaaladaha keena walbahaarka oo isku day inaad hesho wakhti nasasho ah maalin kasta.
🤝 Dhiso taageero qoys iyo saaxiibbo oo aad ku kalsoon tahay.
𝟴. 𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗼𝘀𝗵𝗼 𝗝𝗼𝗼𝗴𝘁𝗮𝗱𝗮 𝗮𝗵 𝗸𝘂 𝘀𝗮𝗺𝗲𝗲 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 (𝗥𝗲𝗴𝘂𝗹𝗮𝗿 𝗛𝗲𝗮𝗹𝘁𝗵 𝗖𝗵𝗲𝗰𝗸-𝗨𝗽𝘀)
🩺 Kormeeridda joogtada ah ee caafimaadkaaga waxay kaa caawin kartaa inaad ogaato khataraha xanuunka xididdada wadnaha si goor h**e loo maareeyo.
Maxaa La Hubiyaa?:
🩸 Cadaadiska Dhiigga: Hubi heerka cadaadiska dhiiggaaga si joogto ah.
🧬 Kolestaroolka: Samee baaritaanka kolestaroolka ugu yaraan sanadkii.
🍬 Sonkorta Dhiigga: Hubi heerka sonkorta haddii aad leedahay khataraha sonkorowga.
𝐾𝑎ℎ𝑜𝑟𝑡𝑎𝑔𝑔𝑎 𝑥𝑎𝑛𝑢𝑢𝑛𝑛𝑎𝑑𝑎 𝑤𝑎𝑑𝑛𝑎ℎ𝑎 𝑤𝑢𝑥𝑢𝑢 𝑢 𝑏𝑎𝑎ℎ𝑎𝑛 𝑦𝑎ℎ𝑎𝑦 𝑞𝑎𝑎𝑏 𝑛𝑜𝑙𝑜𝑙𝑒𝑒𝑑 𝑐𝑎𝑎𝑓𝑖𝑚𝑎𝑎𝑑𝑜 𝑗𝑜𝑜𝑔𝑡𝑜 𝑎ℎ.
Drmohamed Said