Dr Kulane

Directions

Dr Kulane Health | Fitness | Nutrition.
Talooyin caafimaad oo ku saleysan cilmi.

Russia sidee lagu yimaadaa?Halkan ka daawo⤵️
28/09/2026

Russia sidee lagu yimaadaa?
Halkan ka daawo⤵️

Ma rabtaa inaad Russia u timaado waxbarasho? 🎓🇷🇺Muuqaalkan waxaan ...

17/04/2026

Wali ma aragtay sida ay u taalo russia?
Wa kana video aad ku arki karto xaladda dhanta ah ee russia

16/04/2026

Wa video aan kaga hadlayo nolasha ruushka








































26/03/2026

Toban dhaqan oo aad u xun

Ma ogtahay? Maskaxdaada waxay isticmaashaa ilaa 20% tamarta jirkaaga maalintii, xitaa markaad seexanayso!🧠Maskaxdaadu wa...
16/03/2026

Ma ogtahay? Maskaxdaada waxay isticmaashaa ilaa 20% tamarta jirkaaga maalintii, xitaa markaad seexanayso!🧠

Maskaxdaadu waxay isticmaashaa ilaa 20% tamarta jirkaaga maalintii, inkasta oo ay tahay qayb yar oo jirkaaga ka mid ah.

Tani waxay muujinaysaa sida maskaxdaadu u shaqeyso xoog badan, xitaa markaad nasanayso.
Firfircooni & Xirfad barasho
Maskaxdaadu waxay jeceshahay caqabadaha cusub, sida barashada xirfad cusub ama xallinta dhacdo.

Haddii aad maskaxdaada tababarto maalin kasta, waxay kaa caawinaysaa inaad xasuus fiican yeelato, fikir fiican samayso, iyo dareen farxad leh.

Waxyaabaha ka dhiga maskaxda mid firfircoon waa cunista, cunto caafimaad leh (khudaar, miraha, lowska)
Jimicsi (even socod 20 daqiiqo ah)
Hurdo ku filan (7–9 saacadood)
Akhris iyo waxbarasho joogt ah.

15/03/2026

MAXAD KA TAQANAA XANUNKA OOFWAREENKA CALAAMADIHISA, IYO SIDA LOO DAAWEEYO?

Maxaad rajeynaysaa inay dhacaan 2030.Ha ahato wax aad adiga rajeynayaso inad gaarto, tusale inad schoolka dhameyso, ama ...
03/03/2026

Maxaad rajeynaysaa inay dhacaan 2030.
Ha ahato wax aad adiga rajeynayaso inad gaarto, tusale inad schoolka dhameyso, ama aad jamacad dhameyso, ama aad guursato, ama ganacsi furato.

Addunkese markad fiiriso maxaa dhici karo ayaad isleedahay, tusale dagallada hadda socdo, Iran oo ka adkato maraykan iyo xulufadisa, Iran oo dhulka lagu daro.

Maxaase somalia u rajeynayasaa, yaase isledahy madaxweynaha 2030 qofka uu noqon doono?

Wa hadduu allle naf nagu simee!

𝗜𝗦-𝗖𝗔𝗗𝗗𝗘𝗬𝗡𝗧𝗔 𝗠𝗔 𝗤𝗨𝗥𝗨𝗫 𝗠𝗔 𝗧𝗔𝗛𝗔𝗬 𝗠𝗜𝗦𝗘 𝗪𝗔 𝗞𝗛𝗔𝗧𝗔𝗥 𝗖𝗔𝗔𝗙𝗜𝗠𝗔𝗔𝗗?𝗠aanta gabdho badan ayaa isku dayaya inay maqaarkooda caddeeyaan...
01/03/2026

𝗜𝗦-𝗖𝗔𝗗𝗗𝗘𝗬𝗡𝗧𝗔 𝗠𝗔 𝗤𝗨𝗥𝗨𝗫 𝗠𝗔 𝗧𝗔𝗛𝗔𝗬 𝗠𝗜𝗦𝗘 𝗪𝗔 𝗞𝗛𝗔𝗧𝗔𝗥 𝗖𝗔𝗔𝗙𝗜𝗠𝗔𝗔𝗗?

𝗠aanta gabdho badan ayaa isku dayaya inay maqaarkooda caddeeyaan si ay u helaan “qurux gacan ku rimis ah” Laakiin su’aashu la is-weydinayo ayaa ah: 𝑸𝒖𝒓𝒖𝒙 𝒎𝒂 𝒕𝒂𝒉𝒂𝒚, 𝒎𝒊𝒔𝒆 𝒘𝒂𝒂 𝒒𝒂𝒕𝒂𝒓 𝒄𝒂𝒂𝒇𝒊𝒎𝒂𝒂𝒅?

Kareemada iyo waxyabaha kale ee la isku caddeeyo qaarkood waxay ka kooban yihiin maaddooyin halis ah sida:
1.Mercury
2.Steroids xooggan
3.Hydroquinone qiyaas sare ah

𝗠𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯𝗶 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗻?
1.Maqaarka oo gubta ama madoobaada si aan sinnayn.
2.Finan daran iyo finan joogto noqda.
3Infekshan maqaarka ah
4Kelyaha iyo beerka oo waxyeello gaarta (haddii mercury ku jiro)
5.Maqaarka oo noqda mid aad u khafiif ah oo fudud u dhaawacma
6.Mararka qaar dhaawaca ma noqdo mid dib loo daaweyn karo.⚠️

𝗫𝗮𝗾𝗶𝗶𝗾𝗮𝗱𝗮 𝗺𝘂𝗵𝗶𝗶𝗺𝗸𝗮 𝗮𝗵:
Midabka maqaarku ma go’aamiyo quruxdaada.
Caafimaadkaaga ayaa ka muhiimsan.

Bulshadeennu waa inay fahanta Quruxdu waa kalsooni, nadaafad, iyo daryeel — ma aha midab la beddelay.

𝗜𝗟𝗔𝗔𝗟𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗠𝗔𝗤𝗔𝗔𝗥𝗞𝗔𝗚𝗔, 𝗪𝗔𝗔 𝗜𝗟𝗔𝗔𝗟𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗖𝗔𝗔𝗙𝗜𝗠𝗔𝗔𝗗𝗞𝗔𝗗𝗔 🤍





𝗠𝗔𝗫𝗔𝗔𝗗 𝗞𝗔 𝗚𝗔𝗥𝗔𝗡𝗔𝗬𝗦𝗔 𝗖𝗨𝗗𝗨𝗥𝗞𝗔 𝗤𝗔𝗔𝗫𝗔𝗗𝗔 (𝗧𝗕)?🫁𝗪𝗮𝗮 𝗺𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗤𝗮𝗮𝘅𝗼 (𝗧𝗕)Qaaxadu waa cudur uu keeno jeermis la yiraahdo Mycobacteri...
28/02/2026

𝗠𝗔𝗫𝗔𝗔𝗗 𝗞𝗔 𝗚𝗔𝗥𝗔𝗡𝗔𝗬𝗦𝗔 𝗖𝗨𝗗𝗨𝗥𝗞𝗔 𝗤𝗔𝗔𝗫𝗔𝗗𝗔 (𝗧𝗕)?🫁

𝗪𝗮𝗮 𝗺𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗤𝗮𝗮𝘅𝗼 (𝗧𝗕)
Qaaxadu waa cudur uu keeno jeermis la yiraahdo Mycobacterium tuberculosis. Badanaa wuxuu saameeyaa sambabada, laakiin wuxuu ku dhici karaa qaybaha kale ee jirka sida lafaha, qanjirrada, iyo maskaxda.

𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗾𝗮𝗮𝗱𝗮𝗮?
– Marka qof qaba TB uu qufaco ama hindhiso
– Hawada ayuu ku gudbaa
– Qof si dhow ula jooga qof qaba TB

𝗖𝗮𝗮𝗹𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗮𝗿𝗸𝗮𝘆𝗼⚠️
– Qufac 2–3 toddobaad ka badan
– Qufac dhiig wata
– Qandho & dhidid habeenkii
– Miisaan dhimis
– Daal joogto ah

🧪 TB waa la baari karaa, waana la daaweyn karaa haddii daawada si sax ah loo qaato muddo 6 bilood ama ka badan.
❗ Ha joojin daawada adigoon la tashan dhakhtar.

✅ TB ma aha cudur ceeb ah. Ogaanshaha h**e ayaa badbaadiya nololasha qofka.

Daryeel Caafimaad




















𝗠𝗮 𝗴𝗮𝗿𝗮𝗻𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮 𝗗𝗶𝗹𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗮𝗮𝗺𝘂𝘀𝗻𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗸𝘂 𝘀𝗵𝗮𝗾𝗲𝗲𝘆𝗮🩸Dad badan ayaa la nool dhiig-karka iyagoo aan ogayn.Ma xanuuno, ma qaylo bi...
27/02/2026

𝗠𝗮 𝗴𝗮𝗿𝗮𝗻𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮 𝗗𝗶𝗹𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗮𝗮𝗺𝘂𝘀𝗻𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗸𝘂 𝘀𝗵𝗮𝗾𝗲𝗲𝘆𝗮🩸

Dad badan ayaa la nool dhiig-karka iyagoo aan ogayn.
Ma xanuuno, ma qaylo bixiyo, laakiin si tartiib ah ayuu u dhaawacaa wadnaha, maskaxda, iyo kelyaha.

𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗞𝗲𝗲𝗻𝗼?
1.Cusbada badan
2.Cayilka
3.Jimicsi la’aan
4.Walbahaarka
5.Taariikh qoys

𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗰𝗶 𝗸𝗮𝗿𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗿 𝘁𝗮𝗴𝗶𝗻?
1.Istaroog (Stroke)
2.Wadno xanuun
3.Kelyaha oo shaqada joojiya
4.Indhaha oo aragga lumiya

𝗙𝗮𝗿𝗶𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱🩺
✔Cabbir dhiiggaaga ugu yaraan 6dii biloodba mar
✔ Samee jimicsi joogto ah
✔ Yaree cusbada iyo cuntooyinka warshadaysan
✔ Jooji sigaarka haddii aad isticmaasho

Dhiig-karku ma sugo ilaa aad dareento xanuun.
Waa cudur la xakameyn karo haddii goor h**e la ogaado.

📌 Fadlan la wadaag fariintan si qof kale uu uga badbaado khatar aan la arki karin.








Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Kulane posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share