12/06/2026
MUNAASABADDA XAFLADDA XIRITAANKA BARNAAMIJ CILMIYEEDKA "BASIC MEDICAL SKILLS" โ BATCH 10 ( B iyo C )
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Hambalyo iyo Bogaadin
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardaydii soo agaasintay Barnaamij Cilmiyeedka โBasic Medical Skills โ Batch 10 ( B/C ) , kuwaas oo dadaal iyo juhdi badan geliyay hirgelinta barnaamijkan qiimaha badan.
Sidoo kale, waxaan mahadnaq iyo qaddarin u jeedinaynaa hormuudka kulliyadda, macallimiinta, iyo dhammaan marti-sharaftii ka soo qayb gashay munaasabadda xiritaanka, kuwaas oo joogitaankooda iyo taageeradooda ku dhiirrigeliyay ardayda kana qayb qaatay guusha barnaamijka.
Barnaamijkani wuxuu ahaa madal lagu kobciyay aqoonta iyo xirfadaha aasaasiga ah ee caafimaadka, wuxuuna muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ardayda, maamulka kulliyadda, iyo bahda waxbarashada.
Waxaan rajaynaynaa in aqoontii iyo waayo-aragnimadii laga kororsaday ay noqdaan kuwo wax ku ool u ah mustaqbalka xirfadeed ee ka qaybgalayaasha.
Hambalyo dhammaan ka qayb qaatayaashii Barnaamijka , gaar ahaan guddidii abaabulka,Hormuudka Galaasyada, iyo marti-sharaftii nagu sharaftay joogitaankooda. Guushu waa wadajir.