Hodan Hospital

Call Directions Website Contact the practice

Hodan Hospital Hodan Hospital is a Health Care Service Provider incorporated and registered in Somalia to offer affordable in and outpatient health care services in Somalia.

La Kulan Dhaqtarka Qalliimada Guud, Qalliimada Laparoscopic-ga, Qalliimada Carruurta Iyo Dhallaanka.Xilliyada Shaqadu wa...
31/10/2026

La Kulan Dhaqtarka Qalliimada Guud, Qalliimada Laparoscopic-ga, Qalliimada Carruurta Iyo Dhallaanka.

Xilliyada Shaqadu waa Sabti ilaa Khamiis. 8:00 subaxnimo illaa 4:00 galabnimo.


&LaparoscopicSurgeon

30/10/2026

Qallinka Beddelka jilibka, sidoo kale loo yaqaan qalliinka jilibka oo dhammaystiran waa hab qalliin oo ka saaraya carjawda iyo lafaha dhaawacan kala-goyska jilibka, kuna beddelaya bir macmal ah iyo qalab balaastig ah si loo yareeyo xanuunka loona soo celiyo dhaqdhaqaaqa.

Isbitaalka Hodan, si joogto ah ayuu u sameeyaa qalliimada noocaan ah iyadoona ay ka faa’ideestaan bukaano badan oo soomaaliyeed.





29/10/2026

Isbitaalka Hodan, wuxuu baaritaano indhaha oo bilaash ah u qabanayaa dadka la nool xannuunka macaanka (Diabetes mellitus).
Ka faa’iidayso fursaddan, ilaali caafimaadka indhahaaga!

Fiiro gaar ah: Ololahan waxa uu socon doona 2 maalin oo kaliya.

28/10/2026

Bukaanka isku arka xanuunka kelyaha iyo kaadida oo habeenkii soo noqnoqota, waxaa muhiim ah inuu sida ugu dhaqsaha badan ula tashado dhakhtarka ku takhasusay kelyaha iyo kaadi-mareenka marka uu isku arko calaamadahaas.


26/10/2026

Agaasimaha Isbitaalka Dr Mohamed Isxaq ayaa bogaadiyay kaalintii muuqatay Omar Dahir uu ka soo qaatay horumarinta isbitaalka muddadii uu ka ahaa agaasimaha hormarinta Isbitaalka.

Hodan Hospital

𝐈𝐒𝐁𝐈𝐓𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐇𝐎𝐃𝐀𝐍 𝐎𝐎 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐒𝐀𝐆𝐎𝐎𝐓𝐈𝐍 𝐈𝐘𝐎 𝐃𝐔𝐂𝐎 𝐀𝐇 𝐔 𝐐𝐀𝐁𝐓𝐀𝐘 𝐀𝐆𝐀𝐀𝐒𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 𝐈𝐒𝐁𝐈𝐓𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐙𝐄𝐄𝐑𝐀.Isbitaalka Hodan ayaa kulan ...
26/10/2026

𝐈𝐒𝐁𝐈𝐓𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐇𝐎𝐃𝐀𝐍 𝐎𝐎 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐒𝐀𝐆𝐎𝐎𝐓𝐈𝐍 𝐈𝐘𝐎 𝐃𝐔𝐂𝐎 𝐀𝐇 𝐔 𝐐𝐀𝐁𝐓𝐀𝐘 𝐀𝐆𝐀𝐀𝐒𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 𝐈𝐒𝐁𝐈𝐓𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐙𝐄𝐄𝐑𝐀.

Isbitaalka Hodan ayaa kulan sagootin iyo duco ah u qabtay Dr. Omar Dahir, Agaasimihii Horumarinta Isbitaalka Hodan, oo hadda noqday Agaasimaha Guud Isbitaalka Jazeera.

Kulanka oo lagu qabtay Isbitaalka Hodan ayaa waxaa ka soo qaybgalay madaxda iyo maamulka isbitaalka.

Howlwadeennada iyo maamulka Isbitaalka Hodan ayaa qiray in Dr. Omar uu ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsan isbitaalka, kaas oo muddo laba sano ah ka soo shaqaynayay horumarkiisa.

Dr. Omar ayaa lagu xusuusan doonaa doorkii wax-ku-oolka ahaa uu ka qaatay horumarinta Isbitaalka Hodan, isaga oo la yimid fikrado kala duwan oo wax ku ool u ahaa horumarka isbitaalka.

Agaasimaha Isbitaalka Hodan, Dr. Mohamed Isxaq Omar, ayaa ballanqaaday in Isbitaalka Hodan uu si dhow ula shaqayn doono Isbitaalka Jazeera, isaga oo uga mahadceliyay golaha maamulka Isbitaalka Jazeera magacaabista Dr. Omar Dahir.
........Dhamaaad.......

𝐈𝐒𝐁𝐈𝐓𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐇𝐎𝐃𝐀𝐍 𝐎𝐎 𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐘𝐁𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐇𝐀𝐁𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀 𝐂𝐀𝐒𝐇𝐎-𝐖𝐀𝐃𝐀𝐀𝐆𝐆𝐀 𝐁𝐀𝐇𝐃𝐃𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 (𝐆𝐀𝐋𝐀 𝐃𝐈𝐍𝐍𝐄𝐑 𝐍𝐈𝐆𝐇𝐓).Maamulka Isbitaalka Hoda...
24/10/2026

𝐈𝐒𝐁𝐈𝐓𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐇𝐎𝐃𝐀𝐍 𝐎𝐎 𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐘𝐁𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐇𝐀𝐁𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀 𝐂𝐀𝐒𝐇𝐎-𝐖𝐀𝐃𝐀𝐀𝐆𝐆𝐀 𝐁𝐀𝐇𝐃𝐃𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 (𝐆𝐀𝐋𝐀 𝐃𝐈𝐍𝐍𝐄𝐑 𝐍𝐈𝐆𝐇𝐓).

Maamulka Isbitaalka Hodan ayaa ka qaybgalay kulan casho-wadaag ah oo ay isugu yimaadeen bahda caafimaadka, kaas ujeedadiisu ahayd xoojinta isdhexgalka mihnadlayaasha caafimaadka iyo horumarinta wada-shaqaynta hay’adaha caafimaadka dalka.

Kulankan oo loo yaqaan Gala Dinner Night waxaa soo qabanqaabiyey Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) iyo Ururka Isbitaallada Gaarka loo Leeyahay Soomaaliya (SNAPHA)

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta xiriirka iyo isdhexgalka mihnadlayaasha caafimaadka, dhiirrigelinta wada-shaqaynta hay’adaha caafimaadka iyo muujinta taageerada Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, dadaallada lagu horumarinayo nidaamka caafimaadka dalka.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socday isbitaallo kala duwan iyo mihnadlayaal caafimaad oo ka kala yimid hay’ado caafimaad oo dalka ka hawlgala. Isbitaalka Hodan ayaa door firfircoon ka qaatay ka qaybgalka iyo qabsoomidda kulankan, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay xoojinta wada-shaqaynta iyo isdhexgalka bahda caafimaadka.
..........Dhamaad......

24/10/2026

Bulshadeennu waxay nabarrada jirka ka soo baxa u fasirtaa siyaabo kala duwan. Sidaas darteed, waa muhiim in la ogaado waxyaabaha keena, si loo fahmo sababahooda loona helo daaweyn ku habboon.


Maanta oo kale, dunida waxaa laga xusaa Maalinta Caalamiga ah Lafo-beelka (Osteoprosis), taas oo bulshada lagu baraaruji...
20/10/2026

Maanta oo kale, dunida waxaa laga xusaa Maalinta Caalamiga ah Lafo-beelka (Osteoprosis), taas oo bulshada lagu baraarujiyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta caafimaadka lafaha, ka hortagga lafo-beelka, ogaanshaha h**e cudurka iyo helitaanka daaweyn habboon.

Hodan Hospital

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐌𝐈𝐇𝐍𝐀𝐃𝐋𝐀𝐘𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀 (𝐍𝐇𝐏𝐂) 𝐎𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐀𝐒𝐇𝐎 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐎 𝐊𝐔 𝐘𝐈𝐌𝐈𝐃 𝐈𝐒𝐁𝐈𝐓𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐇𝐎𝐃𝐀𝐍.Guddoonka Golaha M...
18/10/2026

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐌𝐈𝐇𝐍𝐀𝐃𝐋𝐀𝐘𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀 (𝐍𝐇𝐏𝐂) 𝐎𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐀𝐒𝐇𝐎 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐎 𝐊𝐔 𝐘𝐈𝐌𝐈𝐃 𝐈𝐒𝐁𝐈𝐓𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐇𝐎𝐃𝐀𝐍.

Guddoonka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) ayaa booqasho shaqo ku yimid Isbitaalka Hodan, halkaas oo ay kula kulmeen maamulka isbitaalka.

Wafdiga booqashada ku yimid isbitaalka waxaa ka mid ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha, Mr. Imran Ahmed, Xoghayaha Golaha, Dr. Omar Ahmed Qadi, qaar ka mid ah hawlwadeennada Golaha iyo xubno ka tirsan Guddiga Sare Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.

Wafdiga waxaa soo dhoweeyay Dr. Mohamed Isxaq Omar, Agaasimaha Isbitaalka Hodan. Kulanka ayaa labada dhinac ku yeesheen is-weydaarsi afkaar kala duwan oo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Golaha iyo Isbitaalka Hodan.

Kulanka ka dib, wafdiga Golaha NHPC ayaa soo indha-indheeyay qaybaha kala duwan Isbitaalka Hodan, iyagoo xog ka helay adeegyada caafimaad isbitaalku bixiyo iyo hawlaha kala duwan uu qabto.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha caafimaadka, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka iyo tayada daryeelka bukaannada.

Dhamaad.

Address

Abdiqasim Road, Hodan District
Mogadishu
BN0000

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hodan Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Hodan Hospital:

Shortcuts

Share