22/08/2026
Adeegyada Caafimaadka ee Bilaha Xagaaga oo Si Heersare ah uu uwado Cusbitaalka Takhasuuska darajada sare ee suldaan sheekh xasan Yabarre.
Waxaa si heersare ah uga socda Cusbitaalka adeegyada caafimaad ee loo fidinayo bulshada inta lagu guda jiro bilaha xagaaga. Adeegyadan oo si gaar ah loogu talagalay in bulshada loo fududeeyo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh, ayaa waxaa ka faa’iidaystay kumannaan qof oo ka kala yimid bulshada.
Adeegyada la bixinayay waxaa ka mid ah baaritaanka iyo daaweynta dhiigkarka iyo cudurrada kale ee daba-dheeraada (MCD/MCN), baaritaanka iyo ka hortagga cudurrada la is qaadsiiyo, iyo sidoo kale baaritaanka caafimaadka indhaha, si bulshada loo siiyo fursad ay ku ogaadaan xaaladdooda caafimaad, uguna helaan talo iyo daaweyn ku habboon.
Ololahan caafimaad ayaa qayb weyn ka qaadanaya kor u qaadista wacyiga bulshada, ogaanshaha cudurrada xilli h**e iyo fududaynta helitaanka adeegyada caafimaad, gaar ahaan dadka aan si joogto ah u heli karin adeegyada baaritaanka.
Intaa waxaa dheer, Cusbitaalku wuxuu sidoo kale bilaabay olole dhiig-shubis ah, kaas oo kaashanaya Bangiga Dhiigga, si loo kordhiyo kaydka dhiigga loona taageero bukaannada u baahan dhiigga, gaar ahaan xaaladaha degdegga ah iyo qalliinnada.
Maamulka Cusbitaalku wuxuu bulshada ugu baaqayaa inay ka faa’iidaystaan adeegyada caafimaad ee socda, isla markaana ay ka qaybqaataan ololaha dhiig-shubista, maadaama hal qof oo dhiig bixiya uu gacan ka geysan karo badbaadinta nolosha qof kale.
Cusbitaalku wuxuu sii wadi doonaa dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka iyo sidii bulshada loo gaarsiin lahaa adeeg caafimaad oo tayo leh, hufan oo la heli karo.