Karamara General Hospital

Karamara General Hospital karamara General hospital Since 1948

Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS Dr.Musse Axmed Ibraahim oo ay Wahelinayaan Wasiirka Haweenka iyo Caruurta Marwo Xalimo...
04/06/2026

Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS Dr.Musse Axmed Ibraahim oo ay Wahelinayaan Wasiirka Haweenka iyo Caruurta Marwo Xalimo Xassan Mayiirka Magalada Jigjiga Eng Shaafi Axmed iyo Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka Mudane Maxamed Ayaanle Xassan ayaa Booqasho Kutagay Cusbitaalka Guud ee Karamardha ,

Si loogu kor galo habsami shaqeedka adeeg bixineed ee cusbitaalka oo malmihii lasoo dhafay lagu soo kordhiyay adeegyo caafimaad oo horleh iyo dhismayaasha waaxo kala duwan oo caafimaad kuwaasi oo sare uu qaday tayada adeeg bixineed ee cusbitaalka guud ahaan iyo helitaanka bulshada ee daryeel caafimaad oo dhamaystiran ayay masuliyintani kormeer kusameyeen waaxaha kala duwan ee cusbitaalka si gaar ah waaxda (MCH) oo dhisme dhawaan xadhiga laga jaray oo lagu talo gallay daryeelka hooyada iyo dhalaanka.

Waftigaan ayaaa indho indheeyay xaaladaha kala duwan ee cusbitaalka iyo adeegyada kala duwan ee uu bixiyo

waxaa si wanaagsan noogu qarsoomay  shirkii  bilaha ahaa ee lagu qiimaynayay  warshada oxygenta soo saarta ee cusbitaal ...
04/06/2026

waxaa si wanaagsan noogu qarsoomay shirkii bilaha ahaa ee lagu qiimaynayay warshada oxygenta soo saarta ee cusbitaal ka Guud ee karamardha( Oxygen Plant of Karamara General Hospital ).

Shirkan Waxaa diirada lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa wax soo saarka iyo ilaalainta warshada iyada oo bixisa adeegyo muhiim ah
kuwaas oo hada ka hor udoonan jirnay meel fog sida dire dawa iyo adama, lakiin hada aad ka helaysid Gudaha cusbitaal ka guud ee karamardha.

Waxaan war galinaynaa cusbitaalada deegaanka iyo xarumaha caafimaadka Ee DDS in ay ka faa iidaystaan Adeegan loo soo kordhiyay ee ah warshada oxygenta soo saarta ee ku taala cusbitaal ka guud ee karamardha.

Mahadsanidiin!

Cusbitaalka Guud ee Karamardha ayaa Mudooyinkii Lasoo Dhafay Sare uu Qaday Daryeelka Daweynta iyo Baxnaanada Hooyada iyo...
28/05/2026

Cusbitaalka Guud ee Karamardha ayaa Mudooyinkii Lasoo Dhafay Sare uu Qaday Daryeelka Daweynta iyo Baxnaanada Hooyada iyo Dhalaanka (MCH).

Waxaa si joogto ah kor loogu qaaday adeegyada daryeelka hooyada iyo dhallaanka ee Cusbitaalka Karamardha, iyadoo xoogga la saarayo badbaadinta hooyada uurka leh iyo caafimaadka carruurta. Cusbitaalku wuxuu bulshada u fidiyaa adeegyo tayo leh oo ay ka mid yihiin baaritaanka hooyada uurka leh, adeegyada dhalmada, qalliinka deg-degga ah, tallaalka carruurta, iyo daryeelka dhallaanka.

Sidoo kale, waxaa la xoojiyay wacyigelinta caafimaadka ee ku saabsan muhiimadda daryeelka uurka, naas-nuujinta carruurta, iyo ka hortagga nafaqo-darrada. Shaqaalaha caafimaadka ayaa si hagar la’aan ah uga shaqeeya hubinta in hooyooyinka iyo dhallaanku helaan adeeg caafimaad oo deg-deg ah, ammaan ah, isla markaana tayo leh.

Dhanka kale, cusbitaalku wuxuu dadaal weyn ku bixinayaa , kor u qaadista tayada adeeg bixinta, iyo abuurista jawi nadiif ah oo ku habboon hooyooyinka iyo dhallaanka. Tani waxay qayb weyn ka qaadanaysaa dhimista khataraha la xiriira uurka iyo dhalmada, iyo sare u qaadista caafimaadka bulshada guud ahaan.

Xafiiska Caafimaadka DDS.
May 28.2026

Ciid  Mubaarak  kulu cam wa antum bil khayrAlle ha inaga aqbalo acmaashii  wanaagsan ,ducada, iyo cibaadada maalmahan kh...
26/05/2026

Ciid Mubaarak kulu cam wa antum bil khayr
Alle ha inaga aqbalo acmaashii wanaagsan ,ducada, iyo cibaadada maalmahan kheyrka badan ee Dul xija.
Ciiddaan Ciideeda, Alle ha inagu gaadhsiiyo nabad, caafimaad, barwaaqo, iyo midnimo Insha Allah

Anagoo ka duulayna himilada horumarinta iyo tayaynta adeegyada caafimaadka ee shacabka, waxaan si rasmi ah u daahfurnay ...
21/05/2026

Anagoo ka duulayna himilada horumarinta iyo tayaynta adeegyada caafimaadka ee shacabka, waxaan si rasmi ah u daahfurnay laba mashruuc oo waawayn kuwaas oo aan kusoo kordhinayv Cusbitaalka Guud ee Karamardha,mashruucyadan muhiim ka ah waxay kala ahaayeen:-
• Warshadda Oxygenta soo saaraysa (Oxygen Plant)
• Xarunta Daawaynta Isku Furanka (Fistula Treatment Center)
Mashruucyadani waxay laf-dhabar u noqon doonaan xoojinta adeegyada caafimaadka ee deegaanka, iyagoo si weyn u yarayn doona baahida shacabka loogu diri jiray magaalooyin kale si ay u helaan adeegyo caafimaad oo gaar ah.

Sidoo kale, waxay kor u qaadi doonaan tayada daryeelka caafimaad, degdegga adeeg bixinta iyo badbaadinta nolosha bulshada.
Waxaan si qoto dheer ugu mahadcelinayaa Xukuumada DDS Gaar ahaan Xafiiska caafimaad ka oo mug iyo miisaan wayn Galiyay isbadalada caafimaadka ee Deegaan ka iyo dhammaan xirfadlayaasha caafimaadka,iyo cid kasta oo door muuqda ka qaadatay hirgelinta guulahan taariikhiga ah.
Horumarka caafimaadku waa saldhigga horumarka bulshada.

Munasibadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Umulisada ee Horumarinta Waxbarashada iyo Dhaqanka Umulisada ayaa Ka Qabsoont...
12/05/2026

Munasibadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Umulisada ee Horumarinta Waxbarashada iyo Dhaqanka Umulisada ayaa Ka Qabsoontay Magalada Jigjiga.

Maalinta Caalamiga ah ee Umulisada waxaa la xusaa 5-ta May sanad kasta. Maalintan waxaa loogu talagalay in lagu muujiyo muhiimadda ay umulisooyinku ku leeyihiin badbaadinta hooyada iyo dhallaanka, isla markaana lagu xuso dadaalkooda caafimaadka bulshada.

Umulisooyinku waxay door weyn ka qaataan daryeelka haweenka xilliga uurka, dhalmada, iyo kadib dhalmada. Waxay sidoo kale ka shaqeeyaan wacyigelinta caafimaadka hooyada iyo ilmaha.

Hal-ku-dhegga maalintan ayaa sanad walba is beddela, iyadoo diiradda la saarayo taageeridda iyo horumarinta adeegyada umulisooyinka si loo yareeyo dhimashada hooyada iyo dhallaanka.

Munasibadan waxaa kasoo qaybgalay haweenka kashaqeeya xafiiska caafimaadka heer deegaan waaxda hooyada iyo dhalaanka( MCH) umulisooyinka ka shaqeeya cusbitaalka takhasuuska sare ee Suldaan Sheekh Xassan Yabare iyo cusbitaalka guud ee Karamardha hawl wadeeno iyo marti sharaf kale.

Waxaana Furay Mareeye kuxigeenka cusbitaalka Guud ee Karamardha Dr.Mohamed Abdulahi Salah wuxuna sheegay inay maalintani tahay maalin uu gaar ah umulisooyinka aduunka isaga oo cadeyay in umulisooyinka kashaqeeya cusbitaalada deegaanku yihin kuwo muujiya dadal iyo naf hurnimo shaqeed isaga oo xusay inay uga mahadcelinayaan shaqada wanagsan ee ay bulshada deegaanka uu hayaan.

Waxaana sanadkan hal kudhig loga dhigay Hal Milyan oo Umulisooyin Dheeraad ah (One Million More Midwives).

Ugu danbayna waxaa abal marino lagu maamusay umulisooyinkii dadalka iyo shaqo wanaga muujiyay taasi oo ay ku mutaysteen shaqo wanag.

Xafiiska Caafimaadka DDS
May 13, 2026.

03/05/2026
03/02/2026

Horumar La Taaban Karo oo laga sameeyay Caafimaadka Hooyada Ee heer dal.
Sida ku cad sahanno tirakoob iyo caafimaad oo ay sameysay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka, toban sano ka hor in ka badan 400 hooyo ayaa udhiman jirtay Umul raac 100,000 ee kasta ee hooyo.
Maanta, tiradaasi waxay hoos ugu dhacday 141 hooyo waxaa la dareemi karaa in dadaal wanaagsan laga sameeyay walina la sii wado ilaa heerka uugu hooseeya lagaadhayo.
Sidoo kale, hooyooyinka ku umula xarumaha caafimaadka ayaa si weyn kor looogu qaaday 37% ilaa 61% la soo gaadhsiiyay mudadaas kooban.

Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalka joogtada ah ee Wasaaradda Caafimaadka iyo horumarinta adeegyada caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka.
Aan sii wadno dadaalka si hooyo walba u hesho daryeel badbaado leh insha Allah.

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Karamara General Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Karamara General Hospital:

Share

Category