Bulle Media Network

Bulle Media Network Ku Soo Dhowoow BULLE MEDIA NETWORK – Ka Hel wararka la isku halayn karo, degdeg iyo xaqiiqo ku saleysan.

30/07/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyey kulanka Khamiislaha ee Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray adkaynta amniga, dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

27/07/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Magaalada Baydhabo si rasmi ah ugu soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo socday muddo saddex maalmood ah, laguna falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa dowladnimada, hoggaaminta hufan iyo tayeynta adeegyada ay dowladdu u hayso bulshada.

23/07/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Guddoomiyey shirkii ugu horreeyey ee Golaha Wasiirrada cusub ee Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta adeegyada mudnaanta u leh bulshada iyo sidii loo xaqiijin lahaa in hay’adaha dowladdu si hufan oo wadajir ah ugu adeegaan shacabka.

16/07/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan la qaatay Wasiirrada cusub ee uu dhowaan magacaabay si loo dardargeliyo howlaha horyaalla Xukuumadda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.

16/07/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu hambaliyeyey xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada ee xilka maanta loo dhaariyey, waxaan ku boorrinayaa inay mudnaanta siiyaan dardargelinta adeegyada bulshada, adkeynta amniga, horumarinta dhaqaalaha, maamul wanaagga iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda.

13/07/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha masjid weyn oo laga hirgelinayo Aqalka Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

13/07/2026
HOGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED MUDANE SHEKH AADAN MADOOBE AYAA DHAGAX DHIGAY DHISMAHA MASJID WEYN OO LAGA DHISAYO ...
13/07/2026

HOGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED MUDANE SHEKH AADAN MADOOBE AYAA DHAGAX DHIGAY DHISMAHA MASJID WEYN OO LAGA DHISAYO AQALKA MADAXTOOYADA.

Baydhabo - 13 Juun, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha masjid weyn oo laga hirgelinayo Aqalka Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Masjidkan ayaa noqon doona goob muhiim u ah gudashada cibaadada waxaana loogu talagalay inay ka faa’iideystaan madaxda dowladda, shaqaalaha Madaxtooyada iyo dhammaan martida soo booqata xarunta Madaxtooyada.

Dhismaha masjidka ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ee lagu horumarinayo kaabeyaasha Aqalka Madaxtooyada, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo kobcinta adeegyada bulshada iyo xoojinta qiyamka diinta Islaamka.

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Gableed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tilmaamay in dhismaha masjidkan uu ka tarjumayo sida ay dowladdu uga go’an tahay dhiirrigelinta cibaadada, mideynta bulshada iyo dhismaha xarumo tayo leh oo u adeegaya shacabka.

Wasiirka magacaaban ee Wasaarada Warfaafinta ahna Wasiirkii H**e Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mudane Nuur Siidow Baaba iyo wasiirka cusub Wasaarada Diinta Mudane Aadan Macalin Cabdiraxmaan ayaa soo dhaweeyey hirgelinta mashruucan muhiimka ah, iyagoona muujiyey rajada ay ka qabaan inuu noqdo goob lagu xoojiyo cibaadada, wacyigelinta iyo midnimada bulshada

DHAMAAD

Address

Baydhabo

Telephone

+252618877115

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bulle Media Network posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share