24/09/2026
MAXAA DHACA HADDIILMAHA SI QALDAN U NUUGO LAABTA?
Nuugista saxda ah waxay muhiim u tahay hooyada iyo ilmaha labadaba. Haddii ilmaha uusan si sax ah ugu xirmi naaska, waxaa dhici kara:
๐น Ilmaha oo aan helin caano ku filan
๐น Ilmaha oo weli gaajaysan ama aan si fiican u dhergin
๐น Hooyada oo la kulanta xanuun ama dhaawac ibta ah
๐น Xannibaad ku timaadda tubbooyinka caanaha ama mastitis
๐น Miisaan korodhka ilmaha oo yaraada
๐ Nuugis sax ah = Hooyo raaxo leh + Ilmo si fiican u nafaqeeya.
Haddii aad u baahan tahay talo ku saabsan naas-nuujinta iyo daryeelka ilmaha, Taran Specialist Hospital ayaa diyaar kuu ah.
๐ +252 613993336
๐ Digfer Road, Hodan District, Mogadishu