Dr Samira Amore

Dr Samira Amore Hadafkeenu waa hooyo iyo ubad caafimaad qabo insha Allah

11/08/2026

**Daryeelka hooyadu waa badbaado ❤️**

Tani waa hooyo u baahnayd qalliin, balse dhaawac culus oo soo gaaray minka ayaa ka dhashay dib-u-dhac ku yimid helitaanka daryeel caafimaad oo ku habboon iyo daaweyn waqtigeeda ah.

Kiisaskan waxay ina xusuusinayaan muhiimadda ay leedahay in hooyadu hesho **daryeelka uurka, la-talin caafimaad, ogaanshaha khataraha iyo adeeg caafimaad oo degdeg ah marka loo baahdo.**

⏰ **Waqtiga iyo daryeelka saxda ah waxay badbaadin karaan hooyo iyo ubad.**

🎯 Hadafkeennu waa: **Hooyo caafimaad qabta iyo ubad caafimaad qaba.**

MAHADCELINTA BUKAANADAYDA ❤️Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan si daacadnimo, daryeel iyo dadaal leh ugu adeego bulshadayd...
10/08/2026

MAHADCELINTA BUKAANADAYDA ❤️

Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan si daacadnimo, daryeel iyo dadaal leh ugu adeego bulshadayda.

08/08/2026

Drs. Samiira, ❤️
Waxaan rabaa inaan si qalbi ah kaaga mahadceliyo safarkii 9-ka bilood ee aad ila soo martay ilaa aan maanta gacmahayga ku qaabto wiilkayga, Amiir Abdilla. 🤍👶🏻
Waxaad ii ahayd dhakhtar aan ku kalsoonahay, garab iyo qalbi deggan intii aan uurka lahaa. Daryeelkaaga, dulqaadkaaga, taladaada iyo sida wanaagsan ee aad mar walba ii garab istaagtay waligey ma illoobi doono.
Alxamdulillaah, maanta waxaan haystaa wiilkeygii, waana farxad aanan erayo ku cabbiri karin. Adigana waxaad qayb weyn ka ahayd safarkan quruxda badan.
Mahadsanid Drs. Samiira. Ilaahay ha kaa abaalmariyo wanaagga aad ii samaysay, hana kuu barakeeyo cilmigaaga iyo shaqadaada. 🤲🏻❤️

Maalmaha qeybta bukaan socodka ee isbitaalka Ex-digfeer.
08/08/2026

Maalmaha qeybta bukaan socodka ee isbitaalka Ex-digfeer.

Khuraafaadka Naasnuujinta.
06/08/2026

Khuraafaadka Naasnuujinta.

Faa'iidooyinka Naasnuujinta ee Ilmaha.✅ Yareynta halista cudurrada mustaqbalka.✅ Xoojinta difaaca jirka iyo hagaajinta d...
05/08/2026

Faa'iidooyinka Naasnuujinta ee Ilmaha.

✅ Yareynta halista cudurrada mustaqbalka.
✅ Xoojinta difaaca jirka iyo hagaajinta dheefshiidka.
✅ Taageeridda koritaanka iyo horumarka caafimaadka.
✅ Kobcinta horumarka maskaxda iyo garashada.

Colostrum waa caanaha ugu horreeya ee naaska hooyadu soo saaro maalmaha ugu horreeya dhalmada. Waa caano hodan ku ah naf...
04/08/2026

Colostrum waa caanaha ugu horreeya ee naaska hooyadu soo saaro maalmaha ugu horreeya dhalmada. Waa caano hodan ku ah nafaqooyinka iyo unugyada difaaca jirka, waxaana loo yaqaannaa "tallaalka ugu horreeya ee dabiiciga ah" ee ilmaha.

03/08/2026

Naasnuujintu waa hadiyadda ugu horreysa ee hooyo siiso ilmaheeda, waana bilowga caafimaad iyo jacayl nololeed.

Hooyo ku dadaal inaad nuujiso ubadkaaga labada sano ee ugu horreysa noloshiisa, maadaama caanaha hooyadu ay siiyaan nafa...
02/08/2026

Hooyo ku dadaal inaad nuujiso ubadkaaga labada sano ee ugu horreysa noloshiisa, maadaama caanaha hooyadu ay siiyaan nafaqo dhammaystiran, xoojiyaan difaaca jirka, isla markaana taageeraan korriinka maskaxda iyo jirka.

Naas-nuujintu waa hadiyadda ugu qiimaha badan ee hooyadu siiso ilmaheeda.

Mandheerta oo ka go'da ilmo-galeenka waa xaalad degdeg ah oo dhici karta inta uurku jiro, taasoo halis gelin karta caafi...
29/07/2026

Mandheerta oo ka go'da ilmo-galeenka waa xaalad degdeg ah oo dhici karta inta uurku jiro, taasoo halis gelin karta caafimaadka hooyada iyo ilmaha haddii aan si dhaqso ah loo daaweyn.

Address

Hodan District
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252613858507

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Samira Amore posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share