Shaafi Hospital

Directions Website Contact the practice

Shaafi Hospital We are a premier multi-specialty healthcare institution dedicated to delivering world-class medical services with excellence, innovation, and integrity.
(1)

Equipped with state-of-the-art facilities and the latest in medical technology.

03/10/2026

Muddo ayuu la tacaalayay xanuun ku dhacay dhegta, kaas oo muddo ka dib sababay lumis maqal, una saameeyay nolol-maalmeedkiisa.

Kadib markii uu la kulmay Dr. Ismail Mohamed Ali – ENT Head & Neck Surgeon, waxaa lagu sameeyay baaritaanno caafimaad oo dhammeystiran, waxaana loo sameeyay qalliinkii ku habboonaa xaaladdiisa.

Alle mahaddiis, qalliinkii si guul leh ayuu ku dhammaaday, maqalkiisiina dib ayuu ugu soo laabtay.

Maqalka waa qayb muhiim ah oo nolosha ka mid ah. Haddii adiga ama qof aad taqaan uu la tacaalayo dhibaato maqal ama xanuun dhegaha ah, nagu soo booqo isbitaalka shaafi oo la kulan Dr Ismail Mohamed Ali.




01/10/2026

Ma ogtahay in qubeyska degdegga ah ee dhallaanka marka uu dhasho uu saameyn ku yeelan karo caafimaadkiisa?

Dr. Zahra Isak, Dhaqtarka Cudurrada Carruurta iyo Baxnaaninta Gaarka ah ee Dhallaanka




30/09/2026

Waxyaabaha looga hortagi karo cudurrada wadnaha waxaa ka mid ah hagaajinta hab-nololeedka, gaar ahaan cunista cunto caafimaad leh, helitaanka hurdo ku filan iyo samaynta jimicsi joogto ah.

Dr. Abdinor Mohamed Jamaac
Dhakhtarka Daaweynta Cudurrada Wadnaha




30/09/2026

Maadaama cudurrada wadnaha badankoodu aanay lahayn calaamado muuqda marxaladaha h**e, Muxuu qofku sameyn karaa si uu u ogaado xaaladda caafimaad ee wadnihiisa, ugana hortago cudurrada wadnaha?

ππ€π˜π€π€π π‘π€π’πŒπˆ 𝐀𝐇Isbitaalka Shaafi wuxuu si adag u cambaareynayaa falkii ka dhacay Isbitaalka Mogadishu Specialist Hospita...
30/09/2026

ππ€π˜π€π€π π‘π€π’πŒπˆ 𝐀𝐇

Isbitaalka Shaafi wuxuu si adag u cambaareynayaa falkii ka dhacay Isbitaalka Mogadishu Specialist Hospital, kaas oo meel ka dhac ku ah xurmada Goobaha caafimaadka, isla markaana halis gelinaya badbaadada bukaannada iyo amniga Hawlwadeenada caafimaadka.

Isbitaalku wuxuu adkeynayaa in xarumaha caafimaadku yihiin goobo loogu talagalay badbaadinta nolosha, daaweynta iyo daryeelka bulshada. Sidaas awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in la dhowro karaamada goobaha caafimaadka, lana xaqiijiyo badbaadada bukaannada, dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo dhammaan bahda caafimaadka.

Isbitaalka Shaafi wuxuu garab taagan yahay bahda caafimaadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay ilaaliyaan amniga iyo xurmada xarumaha caafimaadka, si loo xaqiijiyo in ay ahaadaan goobo nabdoon oo lagu bixiyo adeegyada caafimaadka, laguna badbaadiyo nolosha dadka.




Waxaa shaqada dib ugu soo laabatay Dr. Nasra Ahmed Suudi-dhaqtarka cudurada hawenka iyo qaliimada casriga ah ee layser k...
30/09/2026

Waxaa shaqada dib ugu soo laabatay Dr. Nasra Ahmed Suudi-dhaqtarka cudurada hawenka iyo qaliimada casriga ah ee layser ka.




29/09/2026

π–πŽπ‘π‹πƒ 𝐇𝐄𝐀𝐑𝐓 πƒπ€π˜ – πŸπŸ—π“π‡ π’π„ππ“π„πŒππ„π‘

Cunto caafimaad leh iyo jimicsi joogto ah ayaa ka mid ah tallaabooyinka ugu muhiimsan ee looga hortagi karo khataraha cudurrada wadnaha.

Dr. Abdinor Mohamed Jamaac
Dhakhtarka Wadnaha isbitaalka shaafi oo talooyin muhiim ah la wadaagay bulshada.

29/09/2026

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Wadnaha oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Isbitaalka Shaafi iyo Somali Sudanese Specialist Hospital.




29/09/2026

Muuqaal Kooban: Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Wadnaha oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Isbitaalka Shaafi iyo Somali Sudanese Specialist Hospital.




π’π€π–πˆπ‘π‘πŽ | π—π”π’πŠπ€ πŒπ€π€π‹πˆππ“π€ π‚π€π€π‹π€πŒπˆπ†π€ 𝐀𝐇 𝐄𝐄 𝐖𝐀𝐃𝐍𝐀𝐇𝐀Isbitaalka Shaafi iyo Somali Sudanese Specialist Hospital ayaa si wadaji...
29/09/2026

π’π€π–πˆπ‘π‘πŽ | π—π”π’πŠπ€ πŒπ€π€π‹πˆππ“π€ π‚π€π€π‹π€πŒπˆπ†π€ 𝐀𝐇 𝐄𝐄 𝐖𝐀𝐃𝐍𝐀𝐇𝐀

Isbitaalka Shaafi iyo Somali Sudanese Specialist Hospital ayaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay munaasabadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Wadnaha, taas oo lagu qabtay xarunta NOVA Hall.

Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray soo bandhigidda kiisaska caafimaad (Case Presentations) iyo dood-wadaag (Panel Discussion) ku saabsan caafimaadka wadnaha, ka hortagga cudurrada wadnaha, muhiimadda ogaanshaha iyo daaweynta h**e, iyo fursadaha, caqabadaha iyo mustaqbalka adeegyada caafimaadka wadnaha ee Soomaaliya.

Waxaa ka qaybgalay dhakhaatiirta ku takhasustay cudurrada wadnaha, Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed, aqoonyahanno, ardayda kulliyadaha caafimaadka iyo daneeyayaal kale oo ka tirsan bahda caafimaadka iyo bulshada.

Munaasabaddan ayaa fursad muhiim ah u ahayd xoojinta wacyiga bulshada, is-weydaarsiga aqoonta caafimaadka iyo iskaashiga xirfadlayaasha, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka wadnaha ee dalka.

Wadajir ayaan ugu shaqaynaynaa horumarinta caafimaadka wadnaha ee Soomaaliya.

Address

Hodan District Banadir Road
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shaafi Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Shaafi Hospital:

Shortcuts

Share

Category