Nasrudin Hospital

Call Directions Website Contact the practice

Nasrudin Hospital Nasrudin Hospital is a Multispecialty Hospital Located in Hargeisa, Somaliland Near M.Haybe Local Gov
(1)

🎗️ Wacyigelinta Kansarka Naasaha | Breast Cancer AwarenessBisha October waa bisha wacyigelinta kansarka naasaha. Waa fur...
05/10/2026

🎗️ Wacyigelinta Kansarka Naasaha | Breast Cancer Awareness

Bisha October waa bisha wacyigelinta kansarka naasaha. Waa fursad aynu ku xasuusanayno muhiimadda ogaanshaha h**e, baaritaanka joogtada ah iyo in aan la iska indho-tirin isbeddel kasta oo caafimaad oo la dareemo.

Fibroadenoma waa mid ka mid ah burooyinka aan kansarka ahayn ee naaska ku samaysma. Waxay inta badan ku dhacdaa gabdhaha iyo haweenka da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 35 sano.

Fibroadenoma badanaa wax dhibaato ah ma keento haddii aanay samayn wax isbeddel ah. Laakiin haddii ay si weyn u korto ama cabbirkeedu is beddelo, waxaa muhiim ah in dhakhtar lagu qiimeeyo. Fibroadenoma aad u weyn waxaa loo yaqaan Giant Fibroadenoma.

Haddii aad naaskaaga ka dareento buro, barar ama isbeddel aan caadi ahayn, ha iska indho tirin. Noogu kaalay Nasrudin Hospital si aad u hesho baaritaanka ku habboon, una ogaato waxa sababay iyo daaweynta loo baahan yahay.

👩‍⚕️ Dr. Afnan Abdirahman
General Surgery Specialist
Candidate of Breast & Endocrine Surgery Fellowship

Tacsi 🕊️Maamulka iyo dhammaan hawlwadeennada Nasrudin Hospital waxay tacsi tiiraanyo leh ka dirayaan geerida Marxuum Kha...
04/10/2026

Tacsi 🕊️
Maamulka iyo dhammaan hawlwadeennada Nasrudin Hospital waxay tacsi tiiraanyo leh ka dirayaan geerida Marxuum Khalid Nasir Cilmi, oo ka mid ahaa hawlwadeennada Isbitaalka Nasrudin.

Waxaan Alle uga baryaynaa inuu marxuumka Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan bahda Nasrudin Hospital-na samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Nasrudin Hospital waxaa qalliin Adenotonsillectomy loogu sameeyay wiil 13 jir ah oo qabay dhibaato ah in  neefsashada oo...
01/10/2026

Nasrudin Hospital waxaa qalliin Adenotonsillectomy loogu sameeyay wiil 13 jir ah oo qabay dhibaato ah in neefsashada oo ku adkaata xilliga hurdada {Obstructive Sleep Apnea (OSA) }, taas oo la xidhiidhay weynaanshaha qumanka iyo adenoids-ka (Adenotonsillar Hypertrophy).

Adenotonsillectomy waa qalliin lagu saarayo qumanka (tonsils) iyo adenoids-ka, si loo furo marin-haweedka loona yareeyo dhibaatooyinka neefsashada ee xilliga hurdada.

Nasrudin Hospital waxa diyaar kuugu ah Dr. Mohamed Amin Jamaal, oo ah dhakhtar takhasus sare u leh cudurrada iyo qalliinnada Dhegaha, Sanka & Cunaha (ENT), kaas oo bixiya adeegyada baaritaanka, daaweynta iyo qalliinnada kala duwan ee ENT-ga.

Nasrudin Hospital — Serving Families Since 2000.

27/09/2026

🎥 Surgical Highlights | EA/TEF ❤️

“From a challenging start to a hopeful new beginning.” ❤️

Nasrudin Hospital waxaa si guul leh loogu sameeyay qalliin ilmo yar oo ku dhashay Esophageal Atresia with Tracheoesophag...
27/09/2026

Nasrudin Hospital waxaa si guul leh loogu sameeyay qalliin ilmo yar oo ku dhashay Esophageal Atresia with Tracheoesophageal Fistula (EA/TEF), Oo ah xanuun uu ku dhashay oo hunguriga aanu ku xidhnayn caloosha oo ay weheliso in hawo mareenka iyo hunguriga inta hoos ay isku furanyiin.

Kadib baaritaanno iyo qiimeyn caafimaad, ilmaha waxaa lagu sameeyay qalliin lagu saxayo xaaladan, kaas oo si guul leh ku soo dhammaaday. ❤️

Guushani waxay ka tarjumaysaa horumarka adeegyada qalliinka carruurta iyo daryeelka dhallaanka ee Nasrudin Hospital, iyo dadaalka joogtada ah ee lagu siinayo carruurta daryeel caafimaad oo tayo leh.

Ilmo kasta wuxuu mudan yahay bilow caafimaad qaba iyo rajo wanaagsan. ❤️

Nasrudin Hospital — Built for Children, Trusted by Families Since 2000.

25/09/2026
20/09/2026

La kulan Dr. Mohamed Amin Jamal, dhakhtar takhasus sare u leh cudurrada Dhegaha, Sanka & Cunaha (ENT).

Nasrudin Hospital waxaad ka helaysaa baaritaan, daaweyn iyo daryeel casri ah oo la xiriira cudurrada ENT-ga

Daryeelka aad u baahan tahay, hal goob ka wada hel.

📍 Nasrudin Hospital – Qiblada Madjidu Jaamac

19/09/2026

Nasrudin Maternity & Fertility Center

Laga bilaabo daryeelka uurka ilaa dhalmada iyo caafimaadka haweenka — daryeel dhammaystiran oo aad hal goob ka wada helayso.

Nasrudin Maternity & Fertility Center
Hooyo kasta iyo ilmo kasta waxay mudan yihiin daryeelka ugu wanaagsan. ✨

La kulan Dr. Yasser Mohamed Abolfotoh 👨‍⚕️La-taliye Sare ee Cudurrada Haweenka, Uurka, Dhalmada & Taranka, kana hawlgala...
17/09/2026

La kulan Dr. Yasser Mohamed Abolfotoh 👨‍⚕️

La-taliye Sare ee Cudurrada Haweenka, Uurka, Dhalmada & Taranka, kana hawlgala Nasrudin Maternity & Fertility Center.

Daryeel takhasus leh, khibrad iyo adeeg caafimaad oo casri ah. ❤️🏥

Address

Https://maps. App. Goo. Gl/CoJqVkQYEGQRvcmJ 6
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nasrudin Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Nasrudin Hospital:

Shortcuts

Share

Category